Guddoomiye Cirro Oo Fagaare Ka Qirtay Jir-jiroolenimo Iyo Abaal ka Dhaciisa Siyaasadeed

0
300

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa qirtay inuu muddo dheer ku fadhiyay muddo kordhintii aqalka odayaashu u sameeyeen. Inkasta oo uu isku dayay inuu yareeyo tirada sannadaha muddo kordhinta uu ku shaqeynayo oo uu afar sanadood ku sheegay, hase yeeshee marka lagu daro labada sannadood ee hadda loo kordhiyay ay noqonayso  toddoba sanno.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay madal dood furan ahayd  oo uu qabtay Star TV oo saddexda Guddoomiye ee xisbiyadda KULMIYE, WADDANI Iyo UCID ay arday jaamacadeed iyo dadweyne kaleba ku weydiinayeen su’aalo la xidhiidha  waayahooda siyaasadeed.
Guddoomiyaha WADDANI oo la waydiiyay Maanta waxaad ku fadhidaa toddoba sanno oo muddo kordhin ah xildhibaannadana waad ka duwan tahay oo Madaxweyne ayaad u socotaa in aad noqoto,markaa maxaa lagaa filan  karaa marka aad Madaxweyne noqoto?waxa uu ku jawaabay “Horta waxaab ballan qaadayaa in aanay dhici doonin muddo kordhin dambe waanan ku saxayaa’e toddoba sanno muddo kordhin kumaan fadhiyin ee shan sanno oo aan doorasho ku joogay iyo afar sanno oo muddo kordhin aan ku fadhiyay weeyaan.”
Sidoo kale Mr. Cirro oo la weydiiyay xilligii uu ku biiray saaxadda siyaasadda, waxa uu iyana meesha ka saaray wakhtigii uu ku soo biiray iyo mudadii dheerayd ee uu Taliskii Siyaad Barre ugu shaqayn jiray danjirenimo. Waxa kale oo uu isku markhaati furay inuu ka abaal ka dhacay Guddoomiyaha UCID oo uu ku tilmaamay inuu macalin ugu ahaa siyaasadda Somaliland.
 
“Waxaan ku dhashay magaaladda Hargeysa 1955-Kii marka aan soo koobo siyaasadda Somaliland waxaa macalin iigu ahaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo aan la bilaabay Xisbiga UCID,  muddo dheerna aanu saaxiib ahayn waxaanu fikirka xisbinimada iila yimi oo aanu ka wada hadalnay 1992-dii. Xilligaas oo aanay Somaliland xisbiyaba ka jirin. Markii Dastuurka la furay ee asxaabta la ogolaaday waxaan ka mid ahaa dadkii la aasaasay Xisbiga UCID. Hase yeeshee siyaasaddu laba dhinac  ayay leedahayoo  Xisbigan WADDANI ee cusub ayaan ku wareegay 2011-kii oo markaa la tartamayay ururo faro badan  ahna maanta Xisbiga ugu da’da yar asxaabta qaranka  oo ujeedadiisuna tahay in la helo  qaranka  Somalilnd oo xor ah oo dimuquraadiya oo sharcigu hoggaamiyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna la weydiiyay su’aal uu aad uga xumaaday oo la xidhiidhay inuu doonayo  inuu meesha ka saaro murrashaxa madaxweynaha ee xisbigiisa, waxaanu yidhi “Waxaad ka hadashay warkii suuqa yaallay.  laakiin waxaan kuu sheegayaa maanta lama gaadhin xilligii rasmiga ahaa ee musharaxa balse  imika Xisbiga ayaa wada shaqaynaya oo Jamaal,ayaa shaqaynaya,aniga ayaa shaqaynaya xisbiga oo dhan ayaa shaqaynaya oo xisbiga ayaa la dhisayaa. waxaana jirta marka horeba xisbiga iyo musharuxu laba ma kala aha ee  musharuxu wuxuu fulinayaa oo uu ku dhaqmayaa barnaamijka Xisbiga wax is haysta iyo dad is qabsadayna ma jiraan ee hawlaha ayaa  kala horreeya oo imika Xisbiga ayaa la dhisayaa.”
Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isna nin dhalinyarro ahaa weydiiyay waxaad tahay nin ad-adag oo dagaal badan, imikana waxaad u taagan tahay Madaxweynenimo arrintaasi sidee ayay isu qabanaysaa iyo qorshaha xisbul xaakimka iyo waxqabadkiisa,  waxaanu kaga hal-celiyay
 
 
“Laba su’aalood ayaad I waydiisay ta hore waxaad    I tidhi nin dagaal badan oo aad adag ayaad tahay,waxaan ku leeyahay waa runtaa oo waan dagaal badan nahay waxaanan ku dagaal badan nahay oo aan  ku adkahay  cadowga Somaliland,  imikana waan ku adagay dagaalkooda, laakiin sokeeyaha Somaliland waan u jilicsan nahay taariikhda ayaana ka marag ah.
Arrinta  labaad Xukuumadda KULMIYE wixii lagu doortay ee ay dadka u balan qaaday boqolkiiba sagaashan ayay qabatay haddii aad ii sheegto Xukuumad naga wax qabad badan oo aad caddaysana waan kaaga marag furi doonaa.  laakiin ma jirto Xukuumad balan qaad lagu soo doortay oo wada fulisay taayada KULMIYE mooyaane, waana intaas oo aan ka sii kordhino uun. Waxaanan kaa doonaynaa in aad na siiso jaaniska  hadhay ee  labaad si aanu u dhammays tirno inta hadhayna.”
 
“Waxaan dhashay 1948-kii. Waxaan ku dhashay magaalada Hargeysa siyaasadda waxaan ku soo biiray 1965-kii ururkii dhalinyarrada ee  Hargeysa ee la odhan jiray SYS ayaan soo aasaasay waxaan ka soo qayb qaatay mudaharaadkii uu dhigay Faarax Oomaar. Markii Afweyne dalka qabsaday.  askari ayaan ahaa waxaan ka mid ahaa qoladii ugu horraysay ee ka soo horjeesatay maamulkii Afwaye ee ka cadhootay  ee SNM aasaastay dabadeedna   halgankaana muddo dheer ayaanu ku jirnay  dalka lagu xoraynayay,waxaan ahaa odayaashii shirarkii Burco,Berbera iyo kii Boorameba ka talinayay ee qaranka wax ka soo dhisay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay  siyaasadda guud ee xisbigiisa KULMIYE, waxa uu yidhi “KULMIYE waxaanu aasaasnay 2003-dii,waxaanu u taagan yahay xisbigu in uu isku xidho taariikhdii hore ee Somaliland iyo ta maanta iyo mustaqbalka  labadaas ayaynu isku xidhaynaa xog ogaal baanu u nahay dalkani taariikh buu soo maray.
Markaa arrimaha gudaha loo eego xog ogaal aan ka bixin oo aan meel kale uga dhoofinna waan ahay,taasoo ah in dalkani khaladaadkii hore ee uu galay in aanu dib u gelin oo uu taladiisa gacantiisa ku haysto oo aanay jirin cid uu u dabo fadhiisto oo Illaahay mooyee aanu aadame magan uga noqon sidaana waxaanu ku qornay Dastuurka dalka iyo Axdi qarameedkii Boorame-ba,markaa maanta Caalamku wuxuu marayaa in qof qof loo noolaado oo dad shaqsi laga fikiro oo dal-dal   loo hadlo markaa annagoo og siyaasadda caalamku maanta marayo ee ah in uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa iyo kii ka horreeyayba isla markaana aanay jirin xisbiyo dunida wax ku kala duwaniba arrinta la is waydiinayaa waxay tahay siday Somaliland ku horumaraysaa  taasina waxay ku imanaysaa dawlad ku timaadda doorasho wakhtigeedana ilaalisa tiirar qaran oo dhisan oo shaqeeya,ururo bulsheed ee arrimaha bulshadda u taagan ganacsi xor ah iyo muwaadinka oo garanaya xaqa lagu leeyahay iyo ka uu isagu leeyahay,intaana KULMIYE waayo aragna wuu u yahay waana hadafkiisa koowaad.”
 
Doodaasi waxay muujisay in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uu ka waayo-arragnimo badan yahay Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda UCID iyo WADDANI marka laga eego mudadii uu siyaasadda ku jiray iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo mutay-ba.
 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply