Xildhibaanno Sharci Darro Ku Tilmaamay Hindisihii Golaha Wakiiladdu Meel Mariyeen

0
261

Hargaysa (Dawan): Qaar ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa  ku tilmaamay mid aan waafaqsanan xeer hoosaadka   golaha  Mooshinkii ay shalay  golaha Wakiiladu ku laaleen  in cid gaar ah  lagu wareejiyo Haamaha Kaydka  Shiidaalka ee magaaladda Berbera.  
 
Xildhibaan   Saleebaan Cawad Cali Bukhaari iyo C/qaadir Jaamac Xaamud,  oo labadooduba ka mid ah mudaneyaasha aqalka  Wakiiladda  waxay sheegeen inuu  khilaaf hor leh keenayo go’aankii ay  golaha Wakiiladu ku meelmariyeen in aan shirkaddo gaar loo  leeyahay lagu  wareejin karrin  haamaha kaydka shiidaalka   Berbera.
Labadan xildhibaan   oo shalay warbaahinta la hadlay   kadib markii uu goluhu cod aqlabiyad ah ku   laalay mooshinkaasi ayaa ku macneeyay qaabkii ay  mudaneyaasha Wakiiladu kaga soo hor jeedsadeen  arrintaasi mid ku cusub golaha, isla markaana ay noqonayso in si xoog ah mooshinadda loo jiidsiiyo golahaasi.
 
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari),    oo ka hadlayay sida uu arrintaasi u arko,   waxa uu yidhi “Mooshinkaasi sharci darro ayuu ahaa,   mana waafaqsana  sharciga.   Sababta  aanu u waafaqsanayni waxay tahay,   golaha Wakiiladdu waxa uu leeyahay nidaam sharci,  lamana  marrin  haddii uu  ansaxayo iyo haddii kaleba.
Haddii  la doonayo in la baalmarro sharciga golaha u yaalla,  waa in la laallo  nidaamka sharci ee golaha.  Markaa  waxay ahayd  in la akhriyo mooshinka,  oo la akhriyo lamana codayn karro sharcigii golaha oo yaalla waana khilaaf  sharci  oo baalmarsan xeer-hoosaadka  golaha iyo dastuurka dalka u yaalla”.
Md. Bukhaari, ayaa intaasi ku daray in  tallaabadani ay u muuqato in la jebiyay  xeer hoosaadkii golaha, isla markaana ay  abuurri karto khilaaf siyaasadeed oo  hor leh. “Xeer-hoosaadkii  golaha  Wakiiladda ayaa la jebiyay,  waana  khilaaf  cusub  oo la doonayo in dalka la galiyo oo mushkilad la abuuro oo siyaasadeed oo aan xal loo helayn hadhawna keenta meel aan laga soo qaban Karin” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.
 
 
Sidoo kale xildhibaan C/qaadir Jaamac Xaamud,  ayaa isna arrintaasi  ku  tilmaamay  mid  baal-marsan shuruucda golaha. Waxaanu yidhi “Xeer-hoosaad ayuu goluhu leeyahay,  uu ku shaqeeyo maalinta mooshin la keenana waxay ahaan jirtay in loo gudbiyo sharci yaqaanka golaha,  oo uu ka soo tallo bixiyo.  Kadibna golaha lagu soo celiyo,  oo goluhu ka dodo.  kadibna sidaa lagu codeeyo horena umay dhicin in sidaa loo jiidhsiiyo golaha.  laakiin tan dhacday may ahan,  waana arrin golaha ku ugub ku ah,  oo ka hor imanaysa sharcigii golaha u yaalay. mooshin kastoo la keenana waa in 24 sacadood  la soo akhriyo oo laga soo baraan dago marka la soo akhriyo mooshinka ka bacdi loo codeeyo.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply