Macalinka Seing Sad oo u dhashay dalka Hindiya da’diisuna tahay 22 sano ayaa noqday macalinka dunida ugu gaaban kaasi oo dhererkiisu gaadhayo 90 cm. Waa macalin u dhiga casharada xirfadda Computerka dugsiga habalaha, waxaana uu mushahar ahaan u qaataa lacag dhan 10 kun Rubi HIndiya ah. Waxa macalinkani sheegay in shaqadiisa lagu ixtiraamo oo lagu qadariyo.
Hooyadii ayaa sheegtay in dhererkiisu uu istaagay markii uu gaadhay 5 sano, taasi oo aan la siin hormoono ka caawiya dhererka. Waxaana ay walaalo yihiin laba hablood oo iyaga dhererkoodu caadi yahay.