Weerarada cirka ee uu horkacayo Sucuudigu, ayna taageerayaan ciidamada dawladda Yemen ayaa ku diley 31 qof gobolka bariga ku yaal ee Hajjah.
Weerarka ayaa ku dhacay warshad ku taal gobolkaasi subaxnimadii Axada. Dadka dhintay ayaa u badnaa shacib.
Isbaheysiga ayaa bartilmaameedsanaya fallaagada shiicada ee loo yaqaan xuutiga.
QM ayaa sheegtay in ay ugu dhawaan dhinteen 4,500 oo qof tan iyo markii uu bilaabmay duulaanka isbaheysigu bishii Maaris, waxaana jirta waqtigan masiibo binu ,aadamnimo oo daran.