Xaaji Daahir Cilmi Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Boorame iyo Madaxweynaha Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay

0
407

Boorame (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici),  oo ay wehelinayeen  guddoomiyaha xisbiga KULMIYE   iyo guddoomiyaha  golaha Wakiiladda   ayaa   ka qaybgalay  aas qaran oo  loo sameeyay Alle ha u naxariistee marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale  oo shalay  lagu aasay degaanka Sheekh Yuusuf ee  Galbeedka magaaladda Boorama.
Madaxweyne ku xigeenka   iyo masuuliyiintii kale ee   halkaaski ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhdii iyo shakhsiyadii  marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ay ku  tilmaameen in uu ka mid ahaa  doorkii kaalinta weyn ka  soo qaatay nabadayntii  beelaha iyo  hawlihii  dib-u-dhiska   Somaliland.
 
Waxaanay dhamaantoodba masuuliyiintaasi marxuumka   EEBE  uga baryeen  inuu naxariistii  Janno ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
 
Dhinaca kale Madaxweynaha   Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), ayaa ka   tacsiyadeeyay   guud ahaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan eheladda, qoyska iyo qaraabadda   geeridda ku timid  ALLE ha u naxariistee marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale,  oo ka mid  ahaa Tiir ka mid ahaa  Tiirarka uu qarankani ku faani jiray.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhex lahaa  taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.
 
Tacsidda madaxweynuhu waxay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha   Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo)  waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ahaa tiir ka mida tiirarka uu qarankani ku faani jiray, maanta (shalay)  oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhex lahaa  taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku. waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
Sidoo kale waxaa tacsi taa la mid ah u diray qoyska, qaraabadda, eheladda iyo shacbiga Somaliland guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, geerida ku timid  Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo  shalay ku geeriyooday magaaladda Boorama laguna aasay isla Boorama.
 
Tacsidda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxay u dhignayd sidan:-  “Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timid  Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta  (shalay) oo taariikhdu tahay 30/08/2015).
Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale wuxuu ahaa oday taariikh wanaagsan ku lahaa dalka tan iyo waqtigii Ingiriiskii, waxaannu ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamankii u Horreeyey ee Somaliland sannadkii 1960-kii. Waxa kaloo uu kaalin wayn ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland markii xorriyadeeda ay dib ula soo noqtay, isagoo door wayn ka soo ciyaaray xulustii xildhibaanada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.
ILLAAHAY  waxaan uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo Marxuum Xaaji Daahir Cilmi, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.”
Dawannews Hargeysa office
 
 
 

Leave a Reply