Taliye hore oo ka tirsanaa Falagaada dalka Koongo ayaa sheegay inaanu qabin danbiyo ay kusoo oogtay maxakamada danbiyada adduunku oo ah inuu geystay danbiyo ka baxsan bani’aadminimada iyo danbiyo dagaal. Waxa lagu eedaynayaa inuu dilay in kabadan sideed boqol oo rayida isla marakaana uu kusaday askar caruur ah oo uu adoonsan jiray.
Danbiyadan ayaa dhacay waqtigii uu ka hawlgalayey dagaaladii ka socday gobolka Ituri ee bariga Jamuuhuriyada Dimuqraadiga ee Koongo 2002 ilaa 2003dii.Mr Ntganda ayaa laga horkeeni doonaa qaar kamida dadkii uu waxyeelay oo maxkamada kaga markhaati kici doona .