Dhiig bixinta ayaa daraasado la sameeyay lagu ogaaday inay u tahay dadka bixiya mid caafimaad weyn usoo jiidaysa. Waxaana la sheegay in dhiig bixintu yarayso wadne xanuunka. Daraasad laga sameeyay dalka Finland sanadkii 2012 ayaa muujisay in dadka dhiiga bixiya ay isla markiiba ugu abuurmaan unugyo cusub habdhiska dhiigga wareegga ee jidhka.
Waxa kale oo ay dhiig bixintu yaraysaa subagga dhiiga (charastarolka), iyadoo daraasaddu cadaysay in dadka ka bixiya dhiiga ay ku yar yihiin xanuunada werwerka iyo isku buuq, taasi oo sabab looga dhigay samafalka joogtada ah ee ay ku jiraan.