Dad badan ayaan weli maqal baananka lagu kaydiyo caanaha hooyada. Adeegan ayaa ah mid aan macaash doon ahayn, taasi oo hooyadu caanaha dheeraadka ka ah ilmaheeda ay deeq ahaan u siinayso caruurta baahida u qabta oo baankani u gudbinayo.
Baanka ayaa shaybaadha caanahan hooyada laga qaado , ka dibna kaydiya oo caruurta baahida u qabta u gudbiya. Sida caadiga ahna baanka kaydka caanaha hooyada iyo dhakhtarka ayaa ah kuwo wada shaqaynaya oo isku xidhan sida baananka kaydka dhiigga,
Baanankan ayaa laga sameeyay Yurub sanadadii sideetamaadkii, waxaana wakhtigan ka furan 203 Baank oo ku midaysan ururka baananka caanaha hooyada ee Imba. Waqooyiga America ayaa iyaguna leh jimciyadda Baananka caanaha hooyada. Caanaha hooyada oo ah kuwo nafaqo badan caanaha samayska ayaa la siiyaa caruurta xanuunadu ku dheceen ee u baahan caanaha hooyada, iyo caruurta la keeno goobaha lagu xanaaneenyo caruurta dhalata.