Shirgudoonka Guurtidda Oo Saxaafadda Ka Baafiyay 15 Xildhibaan Oo Shaqadoodii Dayacay

0
291

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee Golaha Guurtidda  oo wakhti dheer loo xanibnaa maqnaashaha xildhibaanada qaarkood, kaas oo keentay in uu fadhigu u furmi waayo  kooram la’aan ama uu gaadhi waayo tiradii uu ku furmi lahaa ayaa gudoomiyaha golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaas shir-gudoominayay waxa uu digniin adag u jeediyay 15-xildhibaan oo sabab la’aan kaga maqnaa fadhiga isla markaana gudan waayay xilkii ay ummada u hayeen.
 
Gudoomiyaha Golaha Guurtida  oo hadal digniin iyo canaan isugu jira u jeedinaaya xildhibaanadan ka soo xaadiri waayay fadhiga waxa uu yidhi  “Maanta waynu ku qaylinaynaa oo ummadaynu u sheegaynaa, in xilkii la gudan waayay.  Wixii ka dambeeyana wixii sharcigu yahay baynu marinaynaa.”
Magacyada 15-ka xildhibaan ee la sheegay in ay xilkoodii gudan waayeen, oo magacyadooda golaha laga hor akhriya Golaha y ayaa waxay kala ahaayeen:-

  1. Xildhibaan Cabdiwahaab Sh. Cali Jawhar
  2. Xildhibaan Daahir Cali Jaamac
  3. Xildhibaan Muuse Ciise Faarax
  4. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan.
  5. Xildhibaan Xasan Cumar Axmed
  6. Xildhibaan Cabdirshiid Sh. Cabdilaahi Aadan
  7. Xildhibaan Cali Siciid Cali
  8. Xildhibaan Cabdirxmaan Qawdhan  Maxamed
  9. Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed
  10. Xildhibaan Mamduux Cismaan Sh. Xasan
  11. Xildhibaan Maxamed Shire Faarax
  12. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan
  13. Xildhibaan Cabdirisaaq  Haybe Xuseen
  14. Xildhibaan Sh. Cumar Axmed Furre
  15. Xildhibaan Xasan Sh. Axmed Sh. Nuux.

 
Xildhibaanadan magacyadooda la shaaciyay ayaa waxa lagu adkeeyay in ay ka soo xaadiraan fadhiyada golaha haddii kale tallaabo adag laga qaadi doono. Fadhigan u furmi waayay kooram la’aanta ayaa waxa loo balnsanaa sii amba-qaadida dooda iyo falan-qaynta qoddobka arrimaha bulshadda, kaas oo ka mid ahaa ajandaha Golaha. Waa markii ugu horaysay ee Golaha Guurtida digniintaas adag loo diro xildhibaano ku eedaysan in ay ka soo xaadiri waayaan fadhiyada Goluhu yeesho.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply