Wasiir Samsam Oo Dhagax-dhigtay Dhisme Laba Dabaq Ah Oo Loo Binaynayo Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Ee Awdal

0
327

Boorame (Dawan)- Wasiirlka wasaaradda Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ka dhagax-dhigtay dhisme laba dabaq ah oo ay yeelan doono xafiiska maaliyada ee Boorame.
 
Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay isla shalay xadhiga ka jirtay dhisme laba dabaq ah oo loogu tallo galay ballaadhinta Laybareeriga jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, dhismahaasi oo ay dhagax-dhigtay wakhtigii ay ahayd Wasiirka wasaarada waxbarashada Somlilaland.
 
Wefti ballaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan o shalay socdaal hawleed ku tagay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame, waxaa ka mid ahaa Wasiirka waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaarada Maaliyada Bahja Xasan Yuusuf iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Cabdi Badde.
 
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa hadal ka jeedisay munaasibado loo sameeyay dhagax-dhiga xafiiska maaliyadda iyo xadhig-ka jariidda Laybareeriga jaamacada, waxaa hadalladeedii ka mid ahaa “Boorame waxaanu ka dhisi doontaa dhisme laba dabaq ah oo qurux badan oo ay yeelan doonto wasaaradda maaliyaddu, waxa kale oo aanu u nimi gobolka in aanu wax ka qabano baahiyo badan, waxa kale oo aanu u nimi in aan xadhiga ka jiro laybareeri laba dabaq ah oo aan jaamacadda Camuud u dhagax-dhigay wakhtigii aan wasiirka waxbarashada ahaa.”
 
Marwo Samsam waxa ay dadweynaha reer Boorame ku dhiiri gelisay in ay bixiyaan cashuurta oo goboka Awdal noqdo ka ugu horreeya bixinta cashuura si gobolku uu u noqdo ka ugu horreeya dhinaca horumarka “Waxaan idiin soo jeedinayaa haddaad tihiin reer Boorame ama reer Awdal in aad cashuurta bixisaan, sababta oo ah cashuurtaas aad bisaan ayaa wax lagu qabanayaa.”
 
Wasiirka maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa raacisay “Xaq bay leedahay meelkasta oo horumarka socdo in horumar la gaadhsiiyo, waxaannu balanqaadaynaa jaamacada Camuud maadama ay hormuud tahay inaanu anaguna wixii itaalkayaga ah aanu la garab istaagno, madaxweynaha ayaana nagula balamay in meeshi waxqabsanaysa aad wax loola qabto oo in ka badan oo ay waxbarashadu ku jirto waayo waxbarashadu waxa weeyaan meesha wadan ka dhismi karo, markaa waxbarashadu qiimo weyn ayay ugu fadhida Somaliland, haddii dhalinyarada wax la baro iyo haddi dadkoodu waxbartaan oo ay furmaan meel wal oo aadunka ah way ka shaqeysan karaan.”
 
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa ku dartay “Sababta oo ah qof waxbartay ma tahriibo, meel xunna kuma dhaco, waayo halkan ayay aqoontu ku jirtaa oo maaha lacag jeeb ku jirta oo lagaa xadayo ,markaa aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa wixii waxbarasho wax lagaga qabanaayo, wixii gobolkan Awdal wax loogu qabanayo ee horumar ah waa waxaanu u taagannahay ee aanu diyaarka u nahay, in muddo ahna waa la soo waday, imikana in laga sii kordhiyo mooyaane aan hoos loo dhigayn.”
 
Wasiirku waxa ay ka codsatay bulshada reer Awdal in ay si fiican u bixiyaan cashuurta ku waajibtay si wax loogaga qabto horumarka gobolka u baahan yahay “Waxaan ka codsanaya dadka reer Awdal inay cashuurta bixiyaan, waayo ayaan dhaw waxa iman doonta in la yidhaahdo gobolkaa maxa ka soo baxay ha lagaliyo horumarkee, markaa waxaan idin leeyahay yaan laydinka badin oo gobolkan Awdal ha noqdo mid ay cashuurteedu aad u sarreyso, dabadeetana wax qabadkeedu sarreeyo oo wixii loo qabtaana ay muuqdaan, markaa INSHA ALLAH sidaas ayaynu isugu duubnaan doona, sido kale waxaan u mahadnaqaya Ururka Now”
 
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Prefesore Faarax Cilmi Geedoole ayaa isaguna madashaas ka hadlay waxanu yidhi “Farxad ayay noo tahay runtii inaanu maanta kala wareegno Laybareerigan ay dhistay  wasiirka waxbarashada  marwo Samsam Cabdi Aadan,  inaanu maanta kala wareegno hadaanu nahay wasaaradii waxbarashada hore ayaan uga markhaati kacay Samsam wixii ay soo qabatay maantana waxa ay noo joogtaa halkii  wax laga dhiibo waxbarashadana la,aanteed waxba ma horumarin karo Samsam la’aateed.”
 
Jaamacadan Camuud oo qiimo weyn inoogu fadhida oo wasiirka Maaliyadana qiimo weyn ugu fadhida waxaanay tidhaha aniga wixii jaamacada Camuud u baahan tahay cidna ley weydiin mayo Marwo Samsam waxaan halkan uga faa,idaysanaya iyada oo Jaamacadu ay wali horumarkii ku jirto islamarkaana ay naga soo codsadeen in Leybareerigan qayb kaloo le,eg ay Jaamacadu u baahan tahay taana waanu balan qaadnay adigana Marwo Samsam waxaanu kaa codsanaynaa inaad naga caawiso  dhaqaalaheeda  hadii ILLAAHAY yidhaaho meelo badan ayaad soo dhagax dhigtay gobolka Marwo Samsamna halkan ayay ku dhalatay oo waxba naga hagran mayso,” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Prefesore Faarax Cilmi Geedoole.
 
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guulleed ayaa isaguna madashaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu u mahad naqay wasiirka wasaaradda maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu ku amaanay wakhtigii ay ahayd wasiirka waxbarashada kaalintii ay ka gaysatay dhismaha jaamacadan iyo guud ahaan waxbarashada dalka waxaanu yidhi “Dhismahan oo ay wasiirku dhagaxdhigtay wakhtigii ay ahayd wasiirka waxbarashada, waxa uu ka kooban yahay laba dabaq oo aanu ugu talogalnay in lagu ballaadhiyo laybareeriga jaamacada, waxaana ku baxay kharash gaadhaya boqol iyo soddon kun oo dollar, maanta oo ay wasiirka maaliyadda tahayna waxa aanu u soo bandhignay in ay qalabayso oo si casri ah ay u qalabayso waanay naga aqbashay, qarankuna wuu xasuusnaan doonaa abaalkaa ay dalka gashatay.”
 
Badhasaabka gobolka Awdal Saleebaan Cali Hayste Ramaax ayaa isaguna madasha ka hadlay waxaanu amaan iyo bogaadinba u soo jeediyay wasiirka wasaarada maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu ku amaanay in ay tahay shaqsi u taagan waxqabad iyo horumar, waxaanu yidhi “Wasiirka waan uga mahadnaqyaa gacanta weyn ee ay ka geysatay gurigii martida oo la mida guriga Burco iyo  ka dhisan gobolada kale ee dalka, in laga dhiso magaalada Boorame aadna runtii ay noogala qayb qaadatay oo bilowgiisi iyo dhaqaalihiisiiba la bixiyay maantana gacanta lagu hayo “
 
Wasiirka xanaanada xoolaha oo isaguna madasha ka hadlay ayaa yidhi “wadan kasta cida leh uun baa dhista, ubadkaaga waxay dhaxlayaan  waxa aad uga tagto ee aad u sameyso, markaa dhamaanteen masuuliyad iyo xilbaa inaga saaran horumarka wadankeena, anigana wixii leyga baahan yahay waan keenaya.”
 
Waxaa isaguna madasha ka hadlay duqa gobolka Awdal waxaanu yidhi “ waxa ii sharaf ah inaan maanta idinkala soo qayb galo xafladii ugu horeysay amase waxqabadkii ugu horeeyay ee gobolka loo qabto intii aan xilka hayay, taasi oo aan uga mahadcelinayno wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ,sidoo kale waxa iyana sharaf noo ah in waxa kaliya ee gobolkani ku faano ama aanu dadka ka iibina ay tahay aqoonta Jaamacada Camuud iyo waxqabadka Jaamacada Camuud kaasi oo hormuud ka yahay Prof Saleebaan.”
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply