“Soomaaliya Waxa Innagaga Socda Mashruuc Weyn Oo Xasan Sheekh Inagula Dagaalamayo”

0
353

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu god-madow ku riday mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana  maamulkiisu uu guul-darooyin   hagar-daamayn joogto ah ku hayo ummadda Soomaaliyeed.
Eng. Faysal ayaa sidoo kale  waxa aan  suurtogelaynin ku tilmaamay heshiiska  xukuumadda  Xamar ay   la saxeexatay shirkad la sheegay inay  shiidaal ka baadhayso Soomaaliya, iyadoo   sida la sheegay heshiiskaasi ay ku jirtay meelaha shiidaalka laga baadhayo degaamo ka tirsan dhulka Somaliland.
Guddoomiyaha UCID oo shalay  magaaladda Hargaysa ugu  waramayay Horn Cable TV,  waxa uu tilmaamay  in waxyaabaha uu waddo Xasan Sheekh ay yihiin kuwo aan soconaynin, maadaama degaamadda uu maamulkiisu ka taliyaa ku  kooban yahay magaaladda Muqdisho oo keliya, sidaas darteedna aanay jirin awood uu cid kale ugu hadli karo.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan  u arkaa inay tahay guul-darro ku timid Xasan Sheekh iyo maamulkiisa, god-madow ayuu ku riday Xasan Sheekh  mustaqbalkii  yaraa, ee bidhaamayay ee arrimaha Soomaalidda.  la yaabi maayo inuu ku dhaqaaqo  arrintani, laakiin wax hirgeli karra ma aha. Sababta aanay u hirgeli karina waxay tahay inta uu isagu gacanta ku hayaa haddii ay u badato waa intaa yar ee Banaadir.  Banaadir-na  dadkii lahaa ee Banaadiriyiinta ahaan  waa kuwan ururka samaystay, oo way dulman yihiin, markaa cid uu u hadli karro ninkaasi iyo maamulkiisu ma jirto. reer Garoowe ma ogolaanayaan, Somaliland-na hadalkeedaba daa. Markaa  waxay ila tahay uun waa guuldaradaa uu waddo, maamul xumaanta uu waddo iyo hunguri weynaantaa uu waddo, ayuun bay ka mid tahay”.
Eng. Faysal, ayaa intaasi raaciyay in dhawr jeer oo hore in  dawladda Xamar ay sidan oo kale samayso, hase yeeshee xiligii uu ina C/rashiid Raysal wasaaraha ka ahaa ay tani oo kale dhacday, balse ay tallaabadaasi ku gacan saydheen baarlamaanku, isagoo rejo ka muujiyey in tanina aanay baarlamaanku aqbali doonin.
“Arrintani oo kale hore ayay u timid xiligii uu raysal wasaaraha ahaa in C/rashiid, baarlamaanku waa kii diiday. Maantana waxay ila tahay in aanu baarlamaanku waxan ogolaan doonin. Khayraadku dadka Soomaalida oo dhan ayuu ka wadda dhexeeyaa, ama ha noqoto Jabuuti,  NFD (Soomaalida Kenya),  wixii Soomaaliya leedahay  way wada leedahay, waa kala dawladdo laakiin waa isku dad” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe,  waxa kale oo  uu sheegay  in Qasdigii ay   dawladaha caalamku   aqoonsiga buuxa ku  siiyeen  Soomaaliya  ee ku meel-gaadhnimadda lagaga saaray uu ahaa mid looga dan lahaa in lagu bili-liqaysto  khayraadka iyo dhaqaalaha umadda Soomaaliya.
 
Waxaanu  yidhi “Marka hore waxaan doonayaa in aan idiin sheego Qasdigii beesha caalamku ka lahayd in laga saarro dawladda Soomaaliya ku meel-gaadhnimada ee loogu yidhi waxaad tihiin dawlad rasmi ah, muraadka u weyn ee laga lahaa wuxuu ahaa in la bili-liqaysto, oo dawlad aan jirin inta la sameeyo oo lagu yidhaahdo waa lagu ictiraafay, ka dibna wixii laga rabbo laga saxeexdo.
Markaa qorshahaasi ayaa ka koow ka  ahaa, wax lala yaabana ma aha, oo waa tii shirkadii Ingiriiska ahayd ee ka horaysayba la siiyay, Xasan Sheekh   oo aynu ognahay in aanu ataa Xallane (dugsi tababar ciidan oo xamar ku yaalla)  waxa ka socda ogayn in uu waxyaabahan galo waa mid lala yaabo. Waxan kolba White house-ka  (aqalka cad ee looga talliyo Maraykanka) loo gaynayo iyo ten street, ee Raysal-wasaareyaasha iyo aduunka loo gaynayo, ee kolba la leeyahay waxaa laguu samaynayaa New deal, New Compact iyo waxaa la sheeg-sheegayaa waa riwaayad la doonayo in umadda Soomaalidda khayraadkooda iyo dhaqaaleheeda lagu bili-liqaysto”.
 
Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe  ayaa u soo jeediyay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland in la soo afjarro muranka gudaha, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto ilaalinta qaranimadda. Wuxuu sheegay in cadowga Somaliland uu ku hawlan yahay sidii uu waxyeellooyin u gaadhsiin lahaa.
Isagoo arrimahaasi sharaxayayna waxa uu yidhi “Maanta hawl baa inoo taalla maanta, marka aynu buuq ka baxnaba, mid kale ayaynu gelaynaa, inaynu dab-demis noqono maaha, waxaa loo baahan yahay siyaasad iyo  wada shaqayn, waxaana la inooga baahan yahay in waxyaabahan gudaheena ah la soo afjarro, oo gacmaha la is-qabsaddo.
Waad aragtaan oo hawadeenii ayaa la qaadanayaa, badeenii ayaa la qaadanayaa, dhulkeenii ayaa la sheeganayaa oo maamulo loo samaystay, waxaa inagu soo noqday faqashtii iyo carruurtoodii ayaa dib loo soo xoojinayaa, oo la doonayaa in la inaga hor keeno, kuwii aynu aaboyaashood iyo awoowyadoodba  ka adkaanay.
 
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaa innagu socda mashuur weyn, oo inagaga socda Koonfur, gaar ahaan Xasan Sheekh, oo goostay inuu Somaliland la dagaalamo, oo uu u isticmaallo kuwii aynu aaboyaashood ka adkaanay, inuu jagooyin sarsare u dhiibo, ciidamadda u dhiibo. Markaa waxyaabahaasi oo dhan ayaa inagu maqan, waxaana loo baahan yahay in aynu ka tashano, buuqa dhexdeenana joojino, oo aynu u diyaargarowno, in aynu qarankeena u midawno, oo aynu umadeena midayno” ayuu yidhi Faysal.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply