Tiradda Haweenkii Uu Guursaday Shaahii Iiran Iyo Meelaha ay ka soo jeedeen Qeybtii 14-aad

0
295

Shaahii Iiraan ee soo xukumayey dalkaa laga soo bilaabo 1941kii ilaa 11 Feb,1979kii, waqtigaa oo uu dalka dibedda uga cararray, kadib markay shacbigu ku gadoodsanaayeen xukunkiisa muddo dheer. Aakhirkii ayaa sidaa lagaga tuuray xukunkii, isla markaana ay taladii dalka la wareegeen Wadaaddo uu hormood u ahaa Aayatullah Khumeyni oo uu hore Shaahu uga musaafuriyey dalka. Waxan hore idiinku soo gudbinay dalalkii martigeliyey waqtiyadii uu Shaahii Iiraan dibed jooga ahaa.
Dalkii ugu dembeeyey joogitaankiisii dibed joognimo waxa uu ahaa dalka Masar, halkaa oo uu ku dhintay, laguna aasay magaalo madaxda dalkaa ee Qaahira 27 July, 1980kii, waxanu ahaa hoggaamiyihii muslinka ahaa ee ugu horreeyey ee aqoonsaday jiritaanka Dawladda Israa’iil. Sida lagu xusay Taariikhaha ka hor dhimashadiisii, waxa uu Boqorkii Iiraan mar walba rajo ka qabay in mar uun dib loogu celin doono kursigii Boqortooyada, si la mid ah sidii markii hore loogu celiyey xukunka.
Maxamad Rasa Bahlawi oo ahaa Boqorkii dalka Iiraan oo waxtar ballaadhan iyo waxyeelooyinba u lahaa dadkiisa iyo dalkiisa muddadii uu soo xukumayey oo ku dhaweyd afartan sanno[ 39 ] wuxu guursaday saddex dumar ah, waxayna kala heleen shan carruura oo tii ugu horreysay u dhashay hal gabadh kaliya, tii ugu dembaysayna afar kala ahaa laba Wiil iyo laba gabdhood, haseyeeshee tii u dhaxaysay labadaa wax carruur may kala helin. Gabadhii ugu horraysay guurkeedu ma ahayn mid ka yimid xaggiisa, balse wuxu ahaa mid uu abaabulka iyo doonistiisaba lahaa Aabbihii Raza Bahlawi, waxana guurkoodii lagu tilmaami jiray mid siyaasadeed.
Asbaabaha loogu tilmaamay guurkii ugu horreeyey ee Shaahii Iiraan mid siyaasadeed, waxa kow ka ahaa iyadoo gabadha loo guuriyey oo la odhan jiray Fawsiya Bintu Fu’aad ahayd gabadh uu dhalay Boqorkii dalka Masar iyo Sudaan ee waqtigaas. Amiir Fawsiya waxa ay ahayd ilmaha ugu weyn ee uu dhalay Boqor Fu’aad-kii kowaad ee Masar, waxayna ku dhalatay magaalada Al-iskandariya 5tii Nov. 1921kii. Hooyadeed waxa ay asal ahaan kasoo jeeday dalka Turkiga, iyadoo uu awoowgeedii labaad oo Turki ahaa oo la odhan jiray Maxamad Shariif Baashaa isna uu u ahaa Ra’iisal Wasaare iyo Wasiir Khaaraji Aabbaheed Fu’aad. Guurkaa waxa kale oo laga bixiyey aragtiyo kala duwan, iyadoo ay aragtiyaha qaar qabeen inuu guurkaas dhexmaraya Amiiradda reer Masar iyo Amiirka reer Iraan noqon karo mid isku soo dhaweeya muslimiinta u kala safan Shiica iyo Sunni. Geesta kale labada dal ayaa dadkooda mid walba dhankiisa u arkayey in aanu guurkaasi dhankooda ka fiicnayn, haseahaatee
arrintaa kor looguma dhawaaqayn, maadaama arrintu tahay mid ay isla oggolaadeen labadii Boqortooyo ee ka kala talinayey Iiraan iyo Masar.
Si kastaba ha ahaatee Amiir Fawsiya waxay kusoo qaadatay Waxbarashadeed dalka Swizerland, waxayna ahayd gabadh si fiican oo sarraysa u baratay, uguna hadasha afafka Ingiriisiga iyo Faransiiska. Dalka Masar markay dib ugu soo laabatay, hooyadeed iyo Aabbaheedna ku wargeliyeen in loo guurinayo Amiirka dalka Iiraan, ayaa qoyskii Boqortooyadu si aad ah u adkeeyeen dhaqdhaqaaqeeda oo dhan, loomana oggolaan jirin inay kelideed dibedda uga baxdo qasrigii ay ku dhex noolayd. Amiirka iyo Amiiraddu ka hor intii aanay isguursan hal mar oo kaliya ayey ku kulmeen dalka Masar, waxaanu kulankaas ujeeddadiisu ahayd kaliya in qofba ka kale arko muuqaal ahaan, si markaa kadib uu mid walba dhinaciisa waalidkii uga helo aqbalaada guurka loo qorsheeyey.
Oggolaanshahoodii kadib, ayaa waxa meherkoodii dhacay bishii May, 1938kii, waxana arooskoodii kowaad ka dhacay Qasriga Caabideen ee ku yaala Qaahira 13kii March, 1939kii, waxayna aroos labaad ku qabsadeen Qasriga Marble ee ku yaal magaalo madaxda dalka Tahraan, halkaas oo ahayd goobtii ay qoys ahaan sirasmiya u degeen labadii Amiir ee laysku dhisay ee kasoo kala jeeday labada dal, labada Boqortooyo iyo labada mad-habood ee kala duwan.
L A   SOCO………………..

Leave a Reply