Waxgarad Xukuumadda Ku Taageeray Wareejinta Haamaha Shidaalka

0
273

Hargeysa (Dawan) Salaadiin iyo waxgarad shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in  Xukuumadda Somaliland ay xaq Distooriya u leedahay inay haamaha kaydka shidaalka ku wareejin karto cid kasta oo maalgashanaysa iyo khayraadka kale ee dalkaba.
 
Suldaan Maxamed Cali Jabaan oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddu xaq u leedahay inay ganacsato ku wareejiyo haamaha, waxaanu yidhi  “Waxa jira hanti badan oo ku taalla magaalada Hargeysa oo ay ku jiraan dad muwaadiiin ah oo reer Somaliland ah, kiray ka qaadaa dawladdu, haamaha iyo  guriga dawladdu leedahay wax faraq ah oo u dhexeeyaa ma jiraan oo sidaa dawladdu u kiraysay ayay xaq u leedahay inay u kirayso haamaha. Waxaanan annagu u aragnaa oo aanu aaminsanahay iska daa kuwanoo hantida qaranka oo dhan in ganacsato gaar ah loo dhiibo oo lagu ilaaliyo, dawladduna cashuurteeda iyo kiradeeda ka hesho, maxaa looga hadli waayay sharaai’ga aan cashuurta rubuc ka bixin ee haddana ku dul nool dadka, waxyaabaha ka hadalka leh ha laga hadlo, laakiin waxaan  macno lahayn  faro-faraynteeda wax ka hadal ah oo laga hadlaa ma jiraan.”
 
 
“Dalka dawlad baa ka talisa oo xukunta, nabaddgelyadiisana iyo amnigiisana gacanta ku haysa oo sidaa ay dawladdu maanta sheegtay hantida qaranka dawladdaa ka masuul ah, guryaha ayay iibin kartaa, hantiday iibin kartaa oo wixii dawladdu ay leedahay iyadaa iibin karta, waanay kirayn kartaa, annagu waxaanu ogol nahay wixii had iyo jeer dawladdu soo jeediso ee Distuurka waafaqsan waanu garab taagan nahay waanan soo dhaweynaynaa, waxaanu annagu taageesan nahay taa ay maanta dawladdu tidhi, waanay kirayn kartaa waanay iibin kartaa.  Goluhu wixii Distuurka waafaqasan ee ay soo jeedisay, had iyo jeer in la is haysto oo la iska horyimaado waa ceeb weeyaan , qaranimada Somalilandna wax bay u dhimaysaa, Dastuurkana waxaanu leenahay wixii ay dawladdu  tidhi hantidda qaranka annagaa ka masuul ah waa inay Baarlamaanku taa qaataan oo ay ku socdaan, ” Ayuu yidhi mid ka mid madaxdhaqameedkii Xukuumadda ku dhiirigeliyay inay wareejiso haamaha shidaalka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply