Qoys ku nool dalka Mexsico ayuu ku dhacay xanuun dhif ah kaasi oo jidhka oo dhan ay ka soo baxayaan timo. Waxaana la sheegay inay sabab u tahay hormonada jidhka oo qaarkood si aan caadi ahayn u shaqaynayaan.
Qoyska oo ka kooban 30 qof ayaa dhamaantood jidhkooda oo dhan wejiga ilaa meel kasta ay ka soo bexeen timo, waxaana lagu magacaabay qoyska shaydaanka ka dib markii jidhkoodii uu qarsoomay timo oo ay la mid noqdeen sida xayawaanka.
Qoyskan ayay dhibaato haystaa iyagoo meel kasta oo ay u safraan loogu yeedho dadkii yeyga ahaa. Waxa kale oo lagu muujiyay filim docemeantry ah oo laga sameeyay, mana helaan xataa shaqo fiican oo u qalanta waxaana ay wakhtigan ka sheqeeyaan gubida xashiishka magaalada, taasi oo ay u geysay saboolnimada haysta. ( Kuliyoum 05/09/2015)