NATO member Bulgariya oo ah xubin ka tirsan NATO ayaa u diidey oggolaansho ay ku maraan hawadeeda dayaarado Ruush ah oo aan tiradooda la cayimin, kuwaas oo uga sii gudbi lahaa Suuriya toddobaadkii hore.
Arrinta ayaa loo sibir saarayaa cabsida Mareykanku ka qabo in ay Moosko taageero milateri u miisayso madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad.
Afhayeen u hadashay wasaarada khaarajiga Betina Zhoteva ayaa u sheegtay wakaalada wararka AFP inkasta oo lagu sheegay dayaaradaha in ay sidaan gargaar binu’aadamnimo haddana sida ay wararka ku helayaan in aaney is laheyn waxa lagu sheegayo iyo waxa ay xambaarsan yihiin.
The Wasaarada arimaha dibada Raashiya ayaa ka gaabsatey in ay durbadiiba ka hadasho arrinta.
Mareykanka ayaa isniintii ka codsadey Giriigga oo isna ka tirsan NATO in ay ka mamnuucaan hawadeeda duulimaadyada shixnadaha sida ee u socda Suuriya.




















