Jawiga Maalgeshi Ee Dhinaca Kalluumaysiga Somaliland

0
388

Dalabka iyo baahida kaluunka ee suuqyada Somaliland maaha kuwo wali la dabuulay. Arintan waxa markhaati u ah iibka kaluunka ee maalinlaha ah ee suuqyada xeebaha iyo magaalooyinka dhulka gashan. Dalabka kaluunka ee korayaa waxa loo aanayn karaa isbadalka ku yimi cunista hilibka adhiga iyo geel oo lagu badalay kaluunka. Intaa waxa dheer in qurbajoog badan oo dalka kusoo laabatay iyo joogitaanka hay’ado iyo shirkado badan oo caalami ahi ay kor u qaadeen dalabka noocyo badan oo kaluun ah oo tayo fiican. Waxa sidoo kale dalabka Kaluunka kor u qaaday qiimaha cuntooyinka kale ee laga helo Borotiinka sida hilib geela iyo adhiga oo qaaliyoobay. Qiimayn dhawaan laga sameeyay suuqyada Somaliland ayaa sheegsya in qiimaha kiiloo-ga hilibka ahi marayo $3.67( saddex dollar iyo todoba iyo lixdan santi) oo saddex jibaar ka badan qiimaha kaluunka. Faraqa u dhexeeya qiimeyaasha kaluunka iyo hilibku waxa uu dhaxalsiiyey dadka qaar inay u badashaan Kaluunka halka ay ka helayaan Borotiinkooda. Qiimaha kaluunku waxa uu aad u sareeyaa Magaalooyinka badda ka fog waxaanu ku jaban yahay magaalo xeebeedyada qiimaha lagu soo rarayo oo qaaliya darteed.
Inkasta oo ay adagtahay in la helo xog sax ah oo lagu ogaado xaddiga kaluunka ay qaadi karaan suuqyada dalku bishii, waxa la qiyaasayaa in bishi dalabka kaluunku gaadhayo 280 metric tone magaalooyinka waawayn ee dalka sida, Ceerigaabo, Burco, Berbera, Hargaysa, Gabiley iyo Boorama. Shirkadaha kaluumaysiga ee maxaliga ahi waxa ay suuqyada keenaan 90mt oo kaliya bishii, taas oo ka dhigaysa dalabka aan la haqab-tirin 180—190mt, waxaana yaalaaba dalabkaas laga soo haqab tiraa Muqdisho oo uu kaluunku uga yimaado qaab la qaboojiyay amma la qasaacadeeyay. Lafa-gurka noocan ahi waxay salka ku haysaa mala-awaalka in dhamaan qoysaska ku nool magaalooyinkaasi ay todobaadkii isticmaalaan 1 kilo oo kaluun ah.
Lasoco qaybo kale……
 

Leave a Reply