Ciidamada dalka Neyjeeriya waxa ay mamnuuceen isticmaalka Fardaha iyo dameeraha ee gobolka Borno, taas oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah ururka Boko xaraam.
Kooxda ayaa fardo u isticmaashay weeraro ay gobolkaasi ka fulisay.
Tafatiraha wararka Afrika ee BBC, Richard Hamilton ayaa ka warramaya.
Ciidamada dalka Nigeria waxay u muuqdaan inay horumar ka sameynayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiga ah.
Waxaana la sheegayaa in Boko Xaraam ay shidaal u waayeen gawaadhidooda, sidaa darteedna ay adeegsadaan fardaha.
Waxaa sidoo kale mar hore la mamnuucay mootooyiinka, kuwaas oo calaamad u ahaan jiray weerarada dilalka iyo qaraxyada ee Boko Xaram.
Hadaba tallaabadan ugu dambeysay waxa ay walaac gelisay dhaqaalaha miyiga oo la sheegay inay curyaamineyso ayna saameyneyso hanaanka nolosha dadka.
Dameeraha waxaa loo isticmaalaa qaadidda alaabta, fardahana waxaa ay yihiin kuwa diin iyo dhaqan ahaan loo adeegsado.





















