Jarmalka oo Qaadan kara Qaxooti Badan

0
623

Wasiir ku xigeenka maaliyada ee Jarmalka ayaa sheegay in Jarmalka uu soo dhawayn karo nus milyan qaxooti ah sanadkii dhowr sanno.
Sigmar Gabriel, hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Gudiga Yurub uu kulmayay shalay si loo dhameeyo qorshe lagu dajinayo boqol iyo lixdan iyo shan kun oo qaxooti, oo intooda badan ka yimid Suuriya.
Hadii qorshaha Gudiga la ansixiyo, ganaax ayaa lagu soo rogi karaa waddankii diida inuu qaato qaxootiga oo yimid Talyaaniga, Gariiga iyo Hungary.
Ra’iisalwasaaraha Jarmalka ayaa kula kulmaya  Berlin ra’iisalwasaaraha Sweden.
Qaxootiga intooda badan ayaa waxay tagaan Sweden iyo Jarmalka.
Sweden oo noqotay meel ay jecel yihiin qaxootiga inay tagaan. 77% dadka magangalyada waydiisanaya ayaa guulaystay 2014-kii.
Hadii qofka uu ka soo baxo waxa laga rabo, ma jiro wax hor istaagaya qofka inuu shaqaysto intuu sugayo go’aanka.
Lacagta la siiyo qofka kaligiis ah waa $250 bishii.
Bilihii ugu danbeeyay qaxootiga intooda badan waxay tegayeen Jarmalka. 42% ayaa guulaysta dadka magangalyada waydiisanaya.
Saddex bilood ayay qaadanayaan intaadan shaqo bilaabin, lacagta la siinayo qofka kaligiis ah waa $420 bishii.
Hungari  oo inta badan ay rabaan dadka inay ka tagaan. 9% dadka magangalyada waydiista ayaa ku guulaysta.
Dadka waa inay sugaan sagaal bilood intaysan shaqo bilaabin iyagoo loo ogol yahay oo kaliya xero inay degaan.
Lacagta bishii la siinayo qofka waa $95 oo ah tan ugu yar saddexda waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here