Sidee Ayay Reer Somaliland U Baran Karaan Cunista Kalluunka?

0
634

Cunista kaluunka ayaa cilmi-baadhisyo badan iyo daraasado la sameeyay lagu cadeeyay inuu faa’iido badan u leeyahay jidhka dadka weliba qofka cunaa ka xoog weyn yahay ka isticmaala hilibka adhiga.
Dadka ku nool dalka Somaliland ayaa leh cunto illaahay siiyay oo ku jirta baddooda, laakiin aan isticmaalin badankoodu cunista ama ka ganacsiga kaluunka oo ah hilib aad u fiican.
kaluunku waxa uu leeyahay boqol macne oo kala duwan iyo noocyo kala gadisan oo aan halkan lagu soo koobi karayn.
kaluunka waxa uu macinihiisu uu yahay hilibka awoodda leh ee fiican waxaana dalka Somaliland laga helaa dhamaan qaybihiisa kala duwan laakiin dadka ayaan aqoon maadaama ay yihiin dad ahaan jiray xoolo dhaqato oo ku noolaa hilibka xoolaha nool weligoodna aan isticmaalin, iyagoo bedelkeeda cuni jiray oon xoolaad, taasoo sabab u ah inay adkaato in si degdega ah looga tago cunista hilibka xoolaha nool. waxa jirta sida aan wada ogsoonahay inaan badda Somaliland dad badan ama kalluumaysato badani aanay ka guran kaluunka iyo khayraadka kale ee xalaasha ee ku dhex nool biyahaas.
Su’aashu waxay tahay maxaa looga baahanyahay dadka reer Somaliland inay fahmaan?,cunta la.aani kama jirto dalka ee waa in loo dhaqaaqaa dhinaca badda si looga helo cunto ku filnaan karta guud ahaan bulshada.
Dhanka dawlada iyo wasaaradda kaluumaysiga waxaa looga baahan yahay inay dadka wacyi galin dheeraad ah siiyaan weliba ay dalka u raadiyaan sidii dab laydh (lights) jaban loogu heli lahaa si ay uga faa’iidaystaan kaluunka badda iskaga jira ee aan cidina guran taasi waxay keeni kartaa in reer weliba gaadhi samaysto kuna soo qaato kaluun kadibna ay gashadaan talaagadaha oo kaga maarmaan hilibka haddii ay awoodi kari waayaan iibsigiisa kana helaan caafimaad ka fiican ka ay hada ku sugan yihiin.
Illaahay ayaa bixiya caafimaadkee ku darso hilibku waxa uu leeyahay xanuuno badan sida aad la wada socotaan maadaam (fat) baruur badani ay ku jirto laakiin kaluunku malaha waxaas ee waxaa uu leeyahay faa’iido ka badan waana macaan oo haddii aad baratid qaabka loo kariyo ee loo habeeyo weligaa lagama yaabo in wax kale kaa daadagaan ama ay kuu dhadhamaan.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here