God Jiray Ku Dhowaad Ilaa 500 Oo Sanno Oo Markii Ugu Horeysay Laga Helay Magaaladda Pueblo

0
387

Shaqaalaha dhismaha magaalada Pueblo ee dalkaasi Mexico ayaa helay god weyn oo muddo shan boqol oo sanno ah ka hor laga qodday magaaladaasi dhexdeeda,taas oo aanay hore cidi u ogayn.
Maayirka magaaladaasi Sergio V ergara ayaa sheegay inay u dirayaan khubaro dhanka taariikha ah ,isaga oo sheegay in la filaayo inuu ahaan jiray ama loo isticmaali jiray waqtigaasi sida Bulaacadaha oo kale ama biyo mareen oo kale.
Maayirkan ayaa hore usoo bandhigay meelo taariikhi ah oo uu ka dhigay waqtigan meelo loo dalxiis tago,kuwaas oo ku yaala magaaladaasi Pueblo hareereheeda,isaga oo sidoo kalena sheegay in lagu ilaalinaayo meelahaas oo kale taariikhda dhaqameed ee magaaladaasi dadka ku nool.
Magaaladan Pueblo ayaa ah magaalo taariikhi ah ,taas oo la aas aasay sannadkii 531-kii,waana mid kamida magaalooyinka ugu da’da weyn wadankaasi,iyada oo ay khubarada taariikhdu ku sheegto inay ahayd magaaladii labaad ee dalkaasi laga aas aaso .
Magaaladaasi hareereheeda waxa ka socda baadhitaano lagu baadhaayo dhul taariikhi ah ,kuwaas oo la rumaysan yahay inay wax weyn ka tarayso taariikhda wadankaasi,sidoo kale looga faa’idaysan karo dalxiis ahaa oo dhaqaale dalkaasi kasoo gelaayo.
 
 


 

Leave a Reply