Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Sidii Tallaabo Looga Qaadi Lahaa Kooxda Suldaan Wabar Iyo Tahriibeyaasha Labada Dal U Kala Gudbaya

0
397

Hargeysa (Dawan) Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran. Waxaanay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha nabad-gelyadda iyo sidii meesha looga saari lahaa Suldaan Wabar-ka  Somaliland ka fallaagoobay oo dhuumaalaysanaya soohdinta u dhaxaysa labada dal.
Wasiir Biixi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay kulamo ku dhex mareen magaaladda Jigjiga ee caasimadda dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Wasiirul dawlaha arrimaha dibada heer Federaal ee dawlada Itoobiya, Jananka ciidamadda iyo madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaga nabadgelyada, tahriibta iyo suldaanka falaagoobay ee Waber.
“Waxa aan jecelahay in aan  warbixin idinka siiyo safarkii aanu ugu baxnay dalka Itoobiya aniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa aanu tagnay Addis Ababa, waxaan iska soo raacnay Addis Ababa Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya, markaa muhiimada safarku waxa ay ahayd sidii aanu cilaaqaad balaadhan ula yeelan lahayn deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa aanu nimid Jigjiga si xoogle ayaa naloo soo dhaweeyay, waan u mahadnaqaynaa  madaxweynaha deegaanka Soomaalida , dawladiisa iyo dadweynaha  sida ay noo soo dhaweeyeen,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
 
 
Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Annaga iyo Wasiir dawlaha arrimaha dibada ee Itoobiya, ninka haysta ciidamada Herer  iyo madaxweynaha  dawlad deegaanku  wada-hadal ayaanu ku wada galnay labadii cisho ee aanu joognay Jigjiga. Shirar muhiima ayay ahaayeen aad iyo aad ayaan uga wada hadalnay waxyaabihii naga dhaxeeyay ee ku lug lahaa xuduudaha nabada tahriibta ama  Suldaan Waber uga wada hadalnay.”
 
“Waxa aanu aaminsanahay in ay tahay cilaaqaad wanaagsani meeshaa ka dhacay aad ayay u jeclaysteen waxaanuna u balansanahay in dib layskugu yimaado Diridhabe 18 bishan aynu ku jirno, taas oo ay ka soo qaybgali doonaan ciidamadeena booliska iyo badhasaabyadu si aynu cilaaqaad walaaltinimo u yeelano dalka Itoobiya waana soo casuunay waxaana aanu filaynaa in ay innoo iman doonaan,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply