Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibada Ee Wakiilladda Oo Su’aalo Weydiiyay Wasiir Ku Xigeenka Khaarajiga

0
464

Hargeysa (Dawan): Gudi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha  Wakiilladda Somailland ayaa shalay kulan xog waraysi ah la yeeshay  wasiirka  ku  xigeenka  wasaaradda arrimaha dibada mudane Axmed Aadan Ismaaciil  (Kayse).
Kulankaasi oo ay war-baahintu banaanka ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ka warbixiyay waxyaabihii ay iskula soo qaadeen  guddoomiyaha gudi hoosaadka arimaha dibada ee golaha wakiiladda Axmed Cabdi Kijaandhe.
 
Waxaanu   sheegay xildhubaan Kijaandhe,  in wasiir ku  xigeenka ay wax ka weydiiyeen aragtidiisa ku aadan xaga siyaasada arrimaha dibada, isagoo  carabka ku dhuftay inuu yahay  shakhsi u qalma xilka  loo igmaday.
 
Xildhibaan Kijaandhe oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi  “Waxaanu ugu yeedhnay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada in aanu ka waraysano aragtidiisa ku waajahan xagga  arrimaha dibada iyo ictiraafka, ee  ku waajahan inta aan la ansixin.  Waa  tii dhawaan la magacaabay waxa aanu u aragnaa inuu yahay nin u qalma oo aqoon u leh hawshan loo igmaday.”
 
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka   arrimaha dibada oo isna ka hadlay  ayaa  sheegay in gudi hoosaadka arrimaha  dibada ay ka wada hadleen ictiraafka Somaliland  iyo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo  Soomaaliya.
“Xog-waraysi ayaan wada yeelanay gudi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha wakiilada si fiicana wuu noogu dhacay xog waraysigaasi.  Waxaanu  iska waraysanay arrimaha ictiraafka,  waxyaabaha  inoo qabsoomay iyo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo badan iyo sidii aan u dardar gelin lahayn shaqadda  wasaaradda  arrimaha dibadda”ayuu yidhi Md. Kayse.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply