Dooda Sharci Ee Garyaqaanka Guud Kaga Hadlay Muranka Kiraynta Haamaha Shiidaalka Berbera

0
393

Hargeysa (Dawan):- Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa ka hadlay waxa uu sharcigu ka qabo go’aankii ay Golaha Wakiilladu ku laaleen wareejinta haamaha kaydka shidaalka, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu qoraalkii uu u diray Golaha ku xusay in Xukuumaddu aanay gelin heshiis ku saabsan haamaha.
 
Garyaqaanka guud oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay arrinta haamaha waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynuhu hore u soo saaray amar jidaynaya in haamaha kaydka shidaalka la hoos-geeyo Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga.
 
“Xukuumaddu awood sharci ma u leedahay inay gasho heshiisyo mawduucaa laga hadlayo ee go’aanku ka soo baxay, maadaama sidaan hore u soo sheegay go’aankaasi aanu Xukuumadda waajib ku ahayn, sababta aanu waajib ahayna aan soo sheegay wey u banaan tahay Xukuumadda tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan iyo tallaabo kasta oo ay ka qaadayso ama ay ku maamulayso haamaha iyo wixii kale ee la mid ahba. Maadaama aanu jirin xeer iyo sharci mamnucaya oo iyaddu (Xukuumadda) ay ka masuul tahay oo Madaxweynuhu muddo hore ayuu soo saaray Digreeto uu ku hoos geynayo haamaha shidaalka Wasaaradda ganacsiga, islamarkaana uu meesha saaray maamulkii ay maamulaysay  shirkaddii TOTAL,”  Ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan.
 
Ibraahim Iidle Saleebaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Laga bilaabo maalintaa ilaa maanta waxa maamulaya oo gacanta ku haya Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, sidaa darteed,  wey u banaan tahay haddii heshiis la galo in la geynayo golaha iyo inaan la geynayn waxay ku xidhan tahay dabeecada heshiiska oo waxa jira heshiiyo Dastuurku yidhi ha la hor geeyo Golaha Wakiillada oo ay ansixin ku leeyihiin iyo heshiiyo aanay ku lahayn. Heshiisyadaa ay ku leeyihiin waa kuwa Dastuurku tilmaamay, markaa haddii Xukuumaddu gasho heshiis ka mid ah heshiiyada Dastuurku tilmaamayna, sharciga waa la raacayaa oo waxa la hor geynayaa Golaha Wakiillada.”
 
Garyaqaanka guud Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa uu intaas ku daray “Haddii aanay dabeecadiisu ahayn heshiisyadii Dastuurku tilmaamay, waxay noqonaysaa mid yeesha fulin go’aanka ka soo baxay Golaha Wakiillada ee Madaxweynuhu celiyay, ama uu ku wargeliyay Golaha Wakiilada inaanu ku dhaqan lahayn ama uu amrayo ku dhaqankiisa ama la meelmarinayo, ma dabrayo hawlaha Xukuumadda. Waxaan ka hadlayaa waxa jira, waxa jira waa qoraalkaa Madaxweynuhu qoray ee uu leeyahay inaan jirin heshiis ku saabsan haamaha shidaalka, waxaanad ogtahay Madaxweynuhu inuu yahay madaxa qaranka ugu sareeya.”
By. Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply