QM oo Sheegtay in ay Yurub Qaadi karto Muhaajiriinta

0
347

Hay’adda UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in dalka Hungari uu filayo in qiyaastii 40 kun oo muhaajiriin ah inay gaadhaan dhammaadka Isbuucan.
Xidhiidhiyaha UNHCR ee gobolkaasi, Vincent Cochetel, waxa uu maamulka dalka Hungary ku booriyay inay hormariyaan hannaanka diiwaangelinta iyo soo dhaweynta.
Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa dhankiisa la filayaa inuu shaaca ka qaado qorshayaal lagu qeybsado qaxootiga lagulana tacaallayo kuwa cusub ee halkaasi gaadhaya.
Madaxa hay’adda Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobey ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in dhibaatada qaxootiga ‘la maareyn karo’, haddii Midowga Yurub ay xalliyaan waxa uu ku sheegay ‘arrinta aanan shaqeyneyn’ ee ah hanaanka megengelyada.
Isaga oo ka hadlaayay shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Paris, madaxa UNHCR, Antonio Guterres waxa uu sheegay haddii hannaanka saxda ah la keeno, in qaaradda Yurub ay si buuxda ugu filan tahay inay qeybsato dadka gaadhaya.
Laakiin jawaabta illaa iyo hadda ay Yurub ka bixisay ayuu ku tilmaamay inay mid qasan tahay.
Mr Guterres waxa uu intaa ku daray inuu dalalka caalamka ka dalbaday inay sare u qaadaan tirada dadka ay qaabilayaan.
Afhayeen u hadlay aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu ka fikiraayo inuu qaado tallaabooyin uu ku caawinaya Yurub, si wax looga qabto dhibaatada qaxootiga.
 

Leave a Reply