Qorshe lagu Dejinayo Qaxootiga Yurub

0
312

Madaxweynaha Gudiga Yurub Jean Claude Jancker, ayaa sheegay in midowga Yurub aanu  ku jirin xaalad fiican, iyadoo dhibaatooyinka qaxootiga ay keenayso dhib wayn.
Hadal qiiro leh oo uu ka jeediyay baarlamaanka Yurub, Mr Junker, ayaa ku dhiirigaliyay waddamada ku jira Midowga Yurub inay aqbalaan in Yurub loo arko meel ammaan iyo rajo leh.
Wuxuu ku taliyay in Midowga Yurub ay dib u dajiso boqol iyo lixdan kun oo qaxooti, iyadoo lagu qaybsanayo qorshe qasab ah.
Horaantii Qorshe tirada ay intaa ka yar tahay ayaa dowladaha qaar ay ka soo horjeesteen.
Qorshaha ayaa hadda la horkeeni doonaa shir ay wasiirada Midowga Yurub ay leeyihiin Isniinta.
 

Leave a Reply