Lix Dal Afrikaan ah oo ka mid Noqday Dalalka ugu Daran Gabowga

0
355

Lix dal oo afrika ah oo ay ka mid yihiin  Malawi iyo  Mozambique,  ayaa ka mid noqdey tobanka dal ee ugu liita gacan siinta dadka gaboobey, sidaasna waxa sheegtay heyad caalami ah oo caawisa dadka da’da ah.
Heyadda samafalka  Global Age waxa ay u  cuskatey  qiimeynteeda daryeelka dhaqaale iyo bulsho ee dadka ka waaweyn 60 jir ee 96 dal.
 
Switzerland ayaa noqotey tan ugu sarreysa liiska taageerada dadka da’da ah, halka Afgaanistaan lagu tilmaamey tan ugu hooseysa liistada ay heyaddu soo saartey ee koobeysa  sida ay dalalka dunidu ugu kala horeeyaan taageerada dadka gaboobey.
 
Dalalka Malawi, Mozambique, Tanzania, Zambia, Rwanda iyo Uganda  ayaa ah lixda dal ee ugu hooseeya  tobanka dal ugu liita dhaqaaleynta dadka gaboobey.
 

Leave a Reply