87 Qof oo ku Dhintay Wiish ku Soo Dumay Xaramka Maka

0
326

Maka(Dawan)-Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa xaqiijiyay inay dhinteen 87 qof isla markaana ay dhaawacmeen 184 qof ka dib markii uu ku soo dumay wiish lagu dhisayay dhinac bari ee Xaramka Maka. Masiibadan ayaa la sheegay inay sababtay ka dib markii roobab waaweyn oo dabaylo wataa ay halkaasi ka da’een.
Roobabkan ayaa xidhay wadooyinka Maka qaarkood isla markaana waxay rideen dhirtii magaalada ku taallay qaar ka mid ah.
Weriye  Maka  uga soo warmay Telefishanka Jaziira,  ayaa sheegay in shalay galab  ay  halkaasi ka bilaabmeen dabaylo iyo roob onkod wataa kaasi oo sababay inuu wiishkaasi soo dumo.
Ciidanka amaanka ayaa xidhay goobta , waxaana la sheegay in Amiir Khaalid Faysal amiirka mandaqada Maka uu guddi soo baadha u saaray sababaha shilkaasi keentay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply