Cali Khaliif Galaydh Oo Sheegay In Uu Wada-hadal La Galayo Somaliland

0
325

Balicad (Dawan)- Horjoogaha Kooxda Khaatumo Cali Khalif Galay ayaa sheegay in uu wada-hadal toos ah la galayo xukuumadda Somaliland oo dhaqan ahaan, khariirad ahaan iyo dhul ahaanba ay wadaagaan, isla markaana ay ka badin waayeen in ay wax la qaybsadaan Somaliland.
Cali Khalif Galaydh waxa uu sidaasi ka sheegay shir kooxda Khaatumo uga socday magaaladda Balli-cad, isaga oo Khamiistii  shirkaasi ku qaybiyay nuqulo qoraal ah oo qeexaya in kooxdka Khaatumo wada hadal la galayso xukuumadda Somaliland.
Cali Khaliif waxa kale oo shirkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu tafaasiil kaga bixinayay sababaha keenay in ay xiligan wada-hadal iyo waanwaan la galaan xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi “Dhan kasta markii aanu ka istaagnay waxaanu ka badin waynay inaanu wada hadal la galno xukuumadda Somaliland, innagoo khariidad ahaan,dhaqan ahaan iyo dhul ahaan-ba la wadaagna.”
 
Cali Khaliif Galaydh waxa uu intaa ku daray ”Anigana wax badan baa arrintaa la igu xamanayey, hase ahaatee saaka waan caddeynayaa,waxaana la innooga baahan yahay in aynu magacowno guddigii innaga mid ka ahaa ee la geli lahaa wada hadalka, dastuurkuna wuxuu qeexayaa inay ka mid tahay awoodahayga madaxwaynenimo inaan ku magacaabo gudida”
“Guddigan waa mid laga sugayo Addis Ababa oo wadahadalku ka furmayo, waxaana guddoomiye ka noqon doona Dr. Cali Ciise Cabdi,”ayuu yidhi Horjoogaha Kooxda Khaatumo.
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply