“Halkan Telfoonku Ma dhaco, Radio laguma Dhegaysto, Waa Deegaan Aamusan oo Yaab leh “( Silence Zone)

0
322

Dhulka aynu ku noolahay waxa ka buuxa arriimo badan oo qarsoon oo aan weli la fahmin, inkasta oo horumarka aqoonta cilmiga saynisku ay gaadhay meel sare, isla markaana ay daah furtay waxyaabo aan la soo koobi Karin oo ku jira badaha hoostooda iyo hawada sare.    Haddaba arimaha aan weli la fahmin ee dhulka guudkiisa ah waxa ka mid deegaanka loo yaqaan goobta aamusan “ Silence Zone” taasi oo ugu caansan goobaha dhulka ku yaalla ee ka qawaaniinta nolosha caadiga ah ka baxsan.
Goobtan ayaa ku taalla saxaaraha Mapimi ee ku yaal waqooyiga Mexsico, waa goob cajiib ah oo aanay ka shaqayn isgaadhsiinta oo dhami Telefishinka, Mobileka, Raadiyaha iyo xataa qalabka GBS iyo qalabka dayax gacmeedka, sidaasi ayaana loogu bixiyay deegaanka aamusan.Waa goob lagu arkay dhamaan waxyaabo yaab leh inkasta oo ay  iyadu berriga ku taallo haddana dhinaca khad ahaan waxay isku began yihiin Bermuda oo iyadu caan ah.
Arimaha yaabka leh ee lagu arkay waxa ka mid ah iyagoo xayawaanku halkaasi ay si jamaaci ah ugu dhintaan iyadoo aanay muuqan wax sababay, waxase iyana ka sii yaabisay markii ay arkeen in xayawaanka dhintay xataa bakhtigooda aanay cunin shimbiruhu sida gorgorka iwm.
Koox cilmi baadhis deegaankan u tagtay ayaa kaxaystay  Ey warbixintooda ayay ku sheegeen in Eygu markii goobta ay gaadheen uu bilaabay inuu kolba dhinac u jeesto, isla markaana waxa ka muuqday argagax isagoo dabadiisa aad u lulayay. Waxaana ay sheegeen inay Eygii waayeen oo aanay garanayn meel uu ku danbeeyay. Waxa kale oo la ogaaday in Shimbiraha guurguura marka ay soo dul maraan deeganka ay ka lumaan jihadooda. Waa deegaan yaab leh , kooxaha mukhaadaraadka tahriibiya ayaan deegaankan marin oo iska ilaaliya inkasta oo ay ku taallo xadka, sidaas darteedna waxay noqotay goobta keliya ee aan lahayn ciidan xuduudeed, sababtuna waa iyadoo aanay jirin cid kootarabaan sida oo marta, isla markaana aanu ka shaqaynayn isgaadhsiintu. Cilmi baadhayaasha goobtan wax laga weydiiyay ayaa yidhi “ Halkan telefoon ma dhaco, Radio ma dhegaysan kartid, Tv ma daawan kartid, waa deegaan yaab leh oo aamusan”.

Leave a Reply