Jaamacadda Golis Oo Shahaado Ku Maamuustay Xildhibaan Bidhi

0
341

Hargeysa (Dawan):  Jaamacadda GOLLIS ee magaaladda Hargaysa  ayaa   shahaadooyin ku maamuustay shaqsiyaad  ay sheegeen  in ay  dhanka arrimaha bulshada  horumaar ka sameeyay, isla markaana   kaalin weyn kaga jira wax u qabashada bulshadda.
 
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah  golaha Degaanka   Burco, ayaa ka mid ahaa dadkii ay jaamacadda GOLLIS   ku maamuustay shahaado sharaf uu ku mutaystay wax qabadkiisa muuqda ee uu mar kasta u taagan yahay iyo kaalinta wax ku oolka ah ee uu ka geysto caawinta dadka jilicsan iyo arrimaha dhalinyarada.
 
Mubaarik   Bidhi, ayaa shahaado sharafta uu wax qabadka ku mutaystay ee ay ku maamuustay Jaamacadda GOLLIS  waxaa guddoonsiiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici).
Munaasibad ay  Jaamacadda GOLLIS   qabatay oo ku beegnayd sanad guuradii tobnaad ee Jaamacadda kana qalin jabiyeen kun arday, ayaa lagu sheegay in uu shahaado sharafta Xildhibaan Bidhi ku mutaystay kaalinta muuqata ee uu kaga jiro horumarinta gobolka Togdheer iyo gaar ahaan degmada Burco ee uu  xildhibaanka ka yahay. Guud ahaan masuuliyiintii munaasibadda ka qayb gashay iyo madaxda Jaamacadda Golis ee  xildhibaanka Shahaado sharfta ku maamuustayba waxa ay ka marag  kaceen in xildhibaan Biddhi uu yahay masuul qaran oo u taagan wax u qabadka bulshada uu mudanaha u yahay isla markaana waxay ku dhiiri galiyeen in uu halkaa ka sii wado samaanta iyo wanaagga uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeegayo. Xildhibaan Mubarik Bidhi ayaa gebogabadii  Xafladda  waxa uu sheegay in uu Jaamacadda GOLLIS uga mahad celinayo shahaado sharafta ay ku maamuuseen isla markaana uu u qaadanayo dhiiri galin, waxaanu ballan qaaday in uu ka shaqaynayo mar walba u adeegidda dadkiisa iyo dalkiisa wakhtigiisa ugu badana uu galinayo wax u qabadka dadka jilicsan iyo dhaalinyarada.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply