Khubarrada Caafimaadka Oo Soo Saaray Qaab Cusub Oo Miisaanka Loo Ridi Karo

0
345

Khubaro caafimaad oo ka kala socday jaamacaddo kala duwan ayaa soo saaray qaab cusub oo ay sheegeen in loo ridi karo culayska jidhka.
Khubaradan oo ka socotay jaamacaddaha Maraykanka ayaa sheegay inay qaabkan ama habkan markii hore dedaal u galeen sidii ay usoo bandhigi lahaayeen,taas oo keentay in ay noqoto mid 12 kii bilood rida 11kg oo culays ah,waxaanay sheegeen in uu sannad noqonaayo waqtigaasi.
Qaabkan ayay sheegeen in uu habkani hogaaminaayo inay muddo aad u yar ku dhici karto baruur badani ama culays badani,waxaana lagu sameeyey tijaabo dad gaadhaaya ilaa 17 qof oo qaatay shan toddobaad.
Khubaradan ayaa natiijadii ay soo saareen ku sheegay inay sameeyeen 10 tijaabo,kuwas oo ay ku sameeyeen cuntooyin kala duwan oo heer kulkoodu kala duwan yahay,waxaanay sheegeen in cuntada diirani tahay ta ugu fiican ee sida wanaagsan u rida culayska ama baruurta saa’idka ah.
Khubaradan ayaa sheegay in ay maalintiiba rido haddii la cuno cunto diiran 0.5 kg culays ah,taas oo ay khubaradani rumaysan yihiin in ay aad ugu wanaagsan tahay ridida culayska jidhka,gaar ahaana raga iyo dumarka ka cawda culayska badan ee jidh ahaaneed.
Khubaradan ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in sidoo kale la sameeyo jimicsi jidh ahaaneed,iyada oo la yaraynaayo waxyaalaha macaan iyo Sonkorta oo iyagu keena culayskaasi iyo xanuuno badan.
 
 

Leave a Reply