Dowladda Islaamiga iyo Hubka Kiimikada ah

0
325

Mas’uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay inay aaminsan yihiin in ururka la baxay dowladda Islaamiga ay sameeyaan isla markaa adeegsadaan hubka kiimikada.
Maraykanka ayaa sheegay inuu aqoonsaday afar dhacdo oo ururka Dowladda Islaamiga adeegsaday gaaska loo yeqaano mustard.
Mas’uulka Maraykanka waxaa uu sheegay in kiimikada ay kooxdu u adeegsato qaab budo ahaan ah.
Weriyayaal BBC-da ka tirsan oo ku sugan xadka Turkiga iyo Suuriya ayaa sheegay inay arkeen caddeymo taageeraya warkaasi.
Maraykanka ayaa aaminsan in kooxdu leedahay qeyb u xil saaran hagaajinta hubkaasi kiimikada ah.
 

Leave a Reply