Maxaad Ka Taqaanaa 10 Waddan Ee Ugu Faqiirsan Afrika?

0
1724

warbixin dhowaan lasoo saaray warbixin lagu eegaayey wadamada ugu faqiirsan qaaradan Afrika,iyada oo laga soo qaatay 10 wadan oo laga soo dhex saaray wadamada Afrika oo siday u kala faqiirsan yihiin daraasad laga sameeyey.
Wadamada ayaa liiska tobankan wadan ugu soo kala baxay sidan hoos ku qoran:-
1: Democratic Republic of Congo:wadankan Congo ayaa noqday wadanka kaalinta kowaad ka galay wadamada ugu faqiirsan qaarada Afrika,kuwaas oo la eegaayey laguna qiimaynaayey xaaladooda dhaqaale iyo nolosha dadkooda.
Wadankan ayaa hore loo odhan jiray Zair ilaa sannadkii 1997 kii oo markii dambe laga bedelay,waana wadanka ugu faqiirsan qaaradan iyo sidoo kalena caalamka ,isaga oo kaalinta kowaad faqriga ka galay sannadkii 2010 warbixin lasoo saaray.
Wadankan waxa ragaadiyey dagaalo qadhaadhaa oo uu bilaabmay sannadkii 1998 ,kadibna waxa soo faro geliyey ciidamo shisheeye oo dagaalkaasi joojiyey,waxaana ku waayey naftooda dagaalkaasi dad gaadhaaya 5.4 million oo qof.
Dalkan ayaa ah wadanka ugu balaadhan ee ku hadla luuqada Faransiiska caalamka,marka laga yimaado wadanka France,waxaanay dadkiisu gaadhayaan 71 million oo qof,iyaga oo shacabka Faransiiska ka badan in ka badana 6 million .
Wadankan ayaa dakhligiisa lagu sheegay inuu gaadho $394.25 ,waana marka lagu qiyaasaayo waxyaalaha dakhli ahaan dalkaasi soo gala ee loo yaqaano afka qalaad GDP.
2:  Zimbabwe :dalkan maaha oo keliyaata dalka labaad ee ugu faqiirsan qaaradan iyo caalamkaba,laakiin waa mid ka mid ah dalalka ugu nolosha hooseeya wadamada Caalamka,waxaanay inta badan dadkiisa da’doodu gaadhaa oo ay ku dhintaan 37 sanno jir,sidoo kale dumarka ayaa ku dhinta gaadhana 34 sanno.
Dadka dalkan ku nool ayaa intooda badani la nool yihiin xanuunka loo yaqaano HIV/AIDS-ka,waxaana xanuunkaasi sida 79.9%  dadka wadankaasi kamid ah ,waxaana ka badbaaday ama aan la noolayn  dad lagu qiyaasay 20.1% dadka dalkaasi kamdi ah.
Dadka maalqabeenada ah ee dalkaasi ayaa ah kuwo la tacaalaaya xaalado caafimaad oo kala duwan,waxaanay dawlada dalkaasi sheegtay inay xaalada dalkaasi ee caafimaadka iyo dhaqaalaha ku kabayso lacag dhan 100 trillion oo lacagta Dollar-ka ah,iyada oo isku daygaasi samaysay sannadkii 2009.
Dalkan ayaa dhaqaalihiisu dakhli ahaan gaadhayaa $589.46,taas oo ah mid aad u hoosaysa marka loo eego wadamada qaarkood iyo heerka lagu cabiro dhaqaalaha.
 
 
 
 
lasoco……………………………………………………………………………………………….
 

Leave a Reply