QM oo looga Codeeyay Calanka Falastiiniyiinta

0
353

Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay waxay ugu yeedheen codeynta taariikhiga ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo u codeeyay in calankooda uu ka mid noqda calamada ka lusha dibedda dhismaha Qaramada Midoobay.
Safiirka Falastiniyiinta u fadhiya Qaramada Midoobay, Riyad Mansur, ayaa sheegay in codenytani ay astaan u tahay taageerada caalamka uu u hayo dadaalka lagu doonayo in lagu helo dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin.
Balse Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaantay mid astaan un ah oo aan waxba soo kordhin doonin,
Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay, Ron Prosor, ayaa sheegay in Falastiniyiintu ay dowlad ku gaadhi karaan oo kaliye wadahadallo toos ah oo ay Israa’iil la yeeshaan.

Leave a Reply