Shay Kasta Laba Qaybood Ayay Ka Dhigtay

0
504

Gabadh u dhalatay dalka Jarmalka oo ay ninkeeda kala tegeen ayaa wixii ay hanta lahaayeen dhamaantood u qaybisay laba is leeg si uu qof kasta intiisa u qaato.
Gabadhan ayaa diiday in qiimayn lagu sameeyo oo midkood lacagta qaato, si aanay alaabadu u khasaarin, laakiin  waxay ku adkaystay inay rabto in qof kastaa uu qaato qaybtiisa sidaasi ku qaato.
Alaabtii guriga ayaa ka mid ahayd kuwa laba meelood laga dhigay  iyadoo sariirtii, Tv, iyo Computerkii guriga laba isleeg laga dhigay. Waxa kale oo la kala gooyay gaadhigoodii iyo baaskiiladoodii.
Gabadhan ayaa qaybteeda oo shay kastaa haaf  yahay ku soo badnhigtay mareegta EBay oo ah suuqa internet ee alaabada lagu kala iibsado.  Gabadhan ayaa la sheegay inay sidaasi u yeeshay iyadoo ninkeedu uu ahaa mid aad ugu xun iyada.

Leave a Reply