Shirkadda Apple Oo Soo Saartay Telefishan Noociisu Caalamka Ku Cusub Yahay

0
353

Shirkadda Apple oo ku caana samayta Mobiles ka ayaa soo saartay telefishan caalamka ku cusub nooc ahaan iyo isticmaal ahaanba,kaas oo aad usoo jiitay indhaha caalamka.
Telefishanka ayaa leh meelo lagu kaydin karo barnaamijyada,taas oo ah mid uu kaga duwan yahay telefishanada kale,waxa kale oo uu kaga duwan yahay siyaalaha loo isticmaalaayo.
Waxaana daaha ka qaaday telefishankan Tim Cook oo ah madaxa shirkadda Apple ,waxaanu sheegay inuu telefishankani kaga duwan yahay kuwa kale ee caalamka laga isticmaalo ,iyada oo uu lee yahay microphone uu qofku codkiisa ku duubi karo ,kuna maamuli karo telefishankan.
Waxa kale oo uu sheegay Tim in uu yahay Telefishankani mid lagu maamulaayo habka taabashada ee Screen touch ka loo yaqaano,kaas oo dadka u fududaynaaya waxyaalo badan.
Telefishanka cusub waxa si kayd ahaana ugu jira Aflaam,sidoo kalena Games lagu ciyaari karo ayaa ku jira,waxaana lagu sameeyey waxyaalo badan oo loogu talo galay in haddii uu qofku waayo waxyaalaha u sahlaaya inuu telefishanka muqaal ka daawo uu si fudud uga daawado kaydkiisa.
Shirkaddan ayaa sannadahan ku socotay horumar xawli sare ku socda ,iyada oo hore usoo saartay telefoono kala duwan iyo saacado ,waxaanay waqtigan suuqyada soo gelinaysaa telefishankan cusub.

Leave a Reply