Tallaabo Shacbigu Indhaha Ku Hayo Oo La Gudboon Guddoomiye Cirro

0
402

“Nin Wixii Hungrigiisa Maray
Hiifay Waa Qalade,
Hareer buu Isaga Weeciyaa

Waxaan Habboonayne ,
Haddii uu Hogseeg Yahay

Maxaad Uga Hakoon Weyday”
Gabay Xirsi Caamir Silsiladii Xaydha
 
Nin dhalinyarro ah oo reer Hargeysa ah oo ka mid ah  da’yarta ciyaaraha Axadha ayaa maalin iiga sheekeeyay in tababareyaasha carbiya kooxaha kubadda cagta ee Yurub ay la mid yihiin falsafad  ahaan hogaamiyeyaasha xisbiyadda qaranka oo kale.
Waxa uu ii sheegay in isagoo ku cabirayay (sports context) in macalimiinta kubadda cagtu ay isku dhaafaan hal abuurnimadda, maskax furnaanta iyo siday taageerayaasha u tixgelinayaan.  bal ka warran haddaba, dhaqanka looga baahan yahay hogaamiye xisbi. Xisbiyadda qaranka Somaliland may samayn maamul daadejin xafiisyada gobollada iyo degmooyinkuna way xidhan yihiin marka laga reebo xilliga doorashadda oo qudha.
Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa 28/3/2017 u qabtay inay qabsoomaan  doorashooyinka isa saarka ah ee madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiiladda.
Haddaba,  waxa in aad looga fikiro mudan sidii Somaliland ula iman lahayd farsamaddii iyo maamulkii  ay kaga dabaalan lahayd inay la qabsato sidii fikiradani u midho dhali lahayd.
Doorashooyinka mar la wada qabanayaa waxay yarayn  lahaayeen dhaqaale badan oo innagaga bixi jiray doorashooyinka isdabo jooga ah maadaama oo aynaan qaran ahaan ahayn mid 100% dabarra kharashaadka doorashooyinka lagu qabto. 35/% kaliya ayaa dawladeennu bixisaa dhaqaalahaa inta kele waxa innaga saacida qaadhaan-bixiyeyaasha u heellan inay Somaliland noqoto qaran dimuqraadi ah.
Waxa kale oo loo baahan yahay in xisbiyadda qaranku ay dhismaan oo mudadaas ay isu diyaariyaan inay curiyaan barnaamijyo siyaasadeed oo nolosha, waaqaca iyo baahidda dadweynaha  la jaan-qaadaya.
Barnaamijyo aan laga soo min  dawlado shisheeye ee ka yimid rabitaanka dadweynaha isla markaana shacbiguna wax ku darsadeen oo fursad loo siiyey inay baahidooda  u qoddobeeyaan oo  uga waramaan barnaamij dejiyeyaasha xisbiyadda qaranka ayaa lagama maarmaan ah.
Waxa kale oo u baahan in laga samato-baxo oo aynu cashar ka barrano waxa innagu xukumay inaynu shantii sannadoodba mar aynu gorrada isula galayno ee aynu muddo kordhin iyo dib u dhaca doorashooyinka aynu u qabatinay.
 
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane  C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) waxa isaga iyo xisbiisa WADDANI  ay u heystaan Golaha Wakiiladda inay sharci darro ku fadhiyaan kursaasida. Haddana C/raxmaan Cirro wax auu hoggaamiyaa golahaas todobbada sannadood  muddo kordhinta aqalka odayaashu u sameeyeen ku sii shaqeynaya.
“Marka uu madaxweynuhu ku soo saaro digreeto wakhtiga doorashadu qabsoomayso, ayaan aniguna iska  casili doonaa Golaha Wakiiladda ,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta ugu waramayay madaarka Hargeysa 17-kii Bishii July 2015-ka.
 
Tiraba dhawr jeer ayaan ka maqlay guddoomiyaha Wakiiladda  oo ka hadlaya maalinta uu kursigan banaynayo. Waxa uu ku dooday  inuu  xubinimada wakiiladda uu istiqaaladeeda dhiibayo  marka uu madaxweynuhu muddeeyo doorashadda madaxtinimadda iyo Golaha Wakiiladda. Taasi oo madaxweynuhu muddeeyay Khamiistii aynu soo dhaafnay.
Maxaa la gudboon guddoomiye Cirro? Ma inuu kursiga ku sii fadhiyo iyo inuu hoosta ka soo dhiso xisbigiisa guri dambayska ah iyamaa u wanaagsan bal adba.
Dawannews Hargeysa office
Wasiirka Caafimaadka Oo Sagootiyay Dhakhaatiir Masaari ah Oo Adeegyo Lacag La’aan Ah Ka Fuliyay Hargeysa
 
Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo uu weheliyo  Ku xigeenka safiirka dalka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed Al Amiir ayaa waxay ka qayb galeen xaflad loo sameeyay dhakhaatiir masaari ah oo adeegyo  caafimaad oo lacag la’aan ah ka waday muddo shan maalmood ah  cusbitaalka guud ee Hargeysa. Dhakhaatiirtan ayaa waxay dalka ku sugnaan doonaan muddo 15 maal mood ah.
 
Ku xigeenka Safiirka Masar ee Jabuuti  ayaa waxa uu xafladaa ka sheegay in dhakhaatiirtani ay tusaale u yihiin sii xoojin doonaan xidhiidhka walaaltinimo ee u dhexeeya Somaliland iyo Masar isla markaana ay dhawaan dib u dhis ku samayn doonaa maktabada Masaarida  ee ku taalla magaalada Hargeysa.
 
 
Wasiirka caafimaadka Somaliland  Md. Saleebaan Ciise Axmed, oo munaasibadaa hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay intii ay dhakhaatiirtani dalka joogeen waxyaabaha ay qabteen.
 
“Dhakhaatiirtani intii ay dalka ku sugnaayeen waxay  arkeen dad bukaan ah oo gaadhaya illaa 1700, waxa kale oo ay illaa hadda sameeyeen qaliin gaadhaya illaa boqol iyo dhawr iyo toban qof. Waxaanu rajaynaynaa in mudada 15-ka maalmood ah ee dalka ay joogeen si fiican shacabka Somaliland uga faa’iidaysteen  dhakhaatiirtan aqoonta sare leh ee dalkeenna yimi,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
 
 
Wasiirku waxa uu  dawlada Masar  ku bogaadiyay dhakhaatiirtan hawlaha caafimaad ka fulisay Somaliland, waxaanuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dhakhaatiirtan  ka timi wadanka Masar ee innoogu yimi in ay wax innagala qabtaan dhinaca caafimaadka.”
 
“Dhakhaatiirtani waxay Somaliland ku casuumeen wadankooda, taas oo aanu jecel nahay in aanu dhawaan tagno oo la kulano masuuliyiinta caafimaadka ee wadankaas haddii ALLE  yidhaa.” Ayuu Intaas raaciyay Wasiirku.
 
 
Sidoo kale dhaakhaatiirtani waxay wasaaradda caafimaadka ku wareejiyeen dawooyinka lagaga hor tago dhiig yaraanta, waxaanay sheegeen mudadii ay dalka ku sugnaayeen in dawlad iyo dadweyneba aad loo soo dhaweeyay.
By:  Faallo Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply