Tirada Dadka loo Xidho Argagixisada oo Korodhay Ingiriiska

0
335

Tirada dhalinyarada mulsimiinta ah ee dalkan Britain ee ku biiray kooxaha argagagixisada ah ayaa korodhay iyadoo ay jiraan dhalinyaro da’doodu ay aad u yar tahay oo ka tagay Britain, kuna biiray kooxaha argagixisada oo ISIS ay ka mid tahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa shaacisay warbixin ka hadlaysa tirada sii badanaysa ee dadka loo xidhayo in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo sida wasaaraddu ay sheegtay. Sanadkan oo kaliya waxaa la xidhay  dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xidhiidhianyo falalka argagixisanimada  – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xidhay falal argagixisanimo ay gaadhay 100 qof.

Waa tiradii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay ururinta macluumaadkan cusub ee Wasaaraddu ay soo bandhigtay. Tiradii ugu badnayn ee dadka loo xidhay falalka aragixisanimo waxaa ay dhacday kadib markii weerarkii argagixiso ee ka dhacay London,  bishii July ee sanadkii 2005-ka. Dadka loo qabqabtay falalka argagixisanimo waxaa ku jira kuwo haysta dhalashada Britain iyo kuwo kale oo isla haystay labo dhalasho oo midi ay tahay dhalashada Britain sida ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu sheegeen.

Sanadihii 2014 iyo 2015 waxaa tirada qiyaasta dadka loo xidhay falakaasi ay noqonaysaa  afar-meelood oo sadex-meel , waana tiro aad uga badan middii sanadkii 2001-ka oo qiyaastu ay noqonayso 52% , xiligaasi waxaa dhacay weeraradii argagixso ee lagu qaaday magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in dhalinyarada da’doodu ay u dhexeyso 18 ilaa 20 sano-jirka ee loo xidhay falalka argagixisanimo sanadkan oo kaliya ay labo-jibaarantay, waa marka la bar-bardhigo sanadkii hore, tiraduna waxa ay noqonaysaa 43 qof oo dhalinyaro ah.

Haweenka loo xidhay falalka argagaixisanimada sanadihii  2014/15, waxaa ay gaadhayaan 35 haween ah. Sideed kamid ah haweenkaasi waxaa ay ahaayeen gabdho da’doodu ay ka yartahay 18 sano.

Waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo ku nool dalka Britain oo aan la xidhiidhay, iina sheegay in ay jiraan caruur ay dhaleen oo loo xidhay tuhumo la xiriira in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo iyadoo sidoo kalana ay jiraan gabdho Soomaaliyeed oo ka tagay magaalada Bristol oo ku biiray kooxda ISIS ee dalka Syria sanadkii hore.

Tirada guud ee dadka loo xidhay falalka argagixisanmimo ee dalka Britain, 14kii sano ee lasoo dhaafay waxaa ay ku dhowdahay 3000 oo qof.

Dhibaatada xag-jirnimo waxaa ay dhib badan ku haysaa qoysaska muslimiinta ah ee guud ahaan ku nool qaaradda yurub, kuwaasi oo ay isugu darsantay in caruurtoodu ay ku biiraan kooxaha argagaixisada ah ee ka howlgala dalalka dalal ay kamid syiria iyo Somalia.

 

Leave a Reply