Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo uu weheliyo Ku xigeenka safiirka dalka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed Al Amiir ayaa waxay ka qayb galeen xaflad loo sameeyay dhakhaatiir masaari ah oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka waday muddo shan maalmood ah cusbitaalka guud ee Hargeysa. Dhakhaatiirtan ayaa waxay dalka ku sugnaan doonaan muddo 15 maal mood ah.
Ku xigeenka Safiirka Masar ee Jabuuti ayaa waxa uu xafladaa ka sheegay in dhakhaatiirtani ay tusaale u yihiin sii xoojin doonaan xidhiidhka walaaltinimo ee u dhexeeya Somaliland iyo Masar isla markaana ay dhawaan dib u dhis ku samayn doonaa maktabada Masaarida ee ku taalla magaalada Hargeysa.
Wasiirka caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed, oo munaasibadaa hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay intii ay dhakhaatiirtani dalka joogeen waxyaabaha ay qabteen.
“Dhakhaatiirtani intii ay dalka ku sugnaayeen waxay arkeen dad bukaan ah oo gaadhaya illaa 1700, waxa kale oo ay illaa hadda sameeyeen qaliin gaadhaya illaa boqol iyo dhawr iyo toban qof. Waxaanu rajaynaynaa in mudada 15-ka maalmood ah ee dalka ay joogeen si fiican shacabka Somaliland uga faa’iidaysteen dhakhaatiirtan aqoonta sare leh ee dalkeenna yimi,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
Wasiirku waxa uu dawlada Masar ku bogaadiyay dhakhaatiirtan hawlaha caafimaad ka fulisay Somaliland, waxaanuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dhakhaatiirtan ka timi wadanka Masar ee innoogu yimi in ay wax innagala qabtaan dhinaca caafimaadka.”
“Dhakhaatiirtani waxay Somaliland ku casuumeen wadankooda, taas oo aanu jecel nahay in aanu dhawaan tagno oo la kulano masuuliyiinta caafimaadka ee wadankaas haddii ALLE yidhaa.” Ayuu Intaas raaciyay Wasiirku.
Sidoo kale dhaakhaatiirtani waxay wasaaradda caafimaadka ku wareejiyeen dawooyinka lagaga hor tago dhiig yaraanta, waxaanay sheegeen mudadii ay dalka ku sugnaayeen in dawlad iyo dadweyneba aad loo soo dhaweeyay.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Wasiirka Caafimaadka Oo Sagootiyay Dhakhaatiir Masaari ah Oo Adeegyo Lacag La’aan Ah...