“Waxa La Xidh Xidhay Odayaashii Ehelka U Ahaa Gacan Ku Dhiiglaha…”

0
339

Burco (Dawan): Wefti heer qaran ah oo magaalada Ceerigaabo maalmihii u dambeeyay u joogay arrimo nabadeed, ayaa ka war bixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo go’aamadda ay kala soo noqdeen hawshii ay halkaasi u tegeen.
 
Weftigan oo uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga   Axmed Xaaji Cali Cadami, isla markaana ay xubno ka  ahaayeen wsiirudawlaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta  Maxamed Faarax Duddaale, Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, iyo Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale.
 
Xubnahaasi kala duwan  ayaa todobaadkii hore Ceerigaabo  u tegay xalinta arrimo nabad gelyo oo la xidhiidha   dilka  taliyihii guutadda Koofiyad casta gobolka Sanaag  Marxuum Siciid Cabdi Warsame oo bishii June  ee sanadkan askari ciidankiisa ka tirsanaa uu toogasho ku dilay.
 
Weftigani oo shalay ka soo kicitimay magaaladda Ceerigaabo  oo xalay soo gaadhay magaaladda Burco. Ayaa guddoomiyaha  gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo ka mid ahaa  weftigaasi waxa uu DAWAN uga waxyaabihii uga soo qabsoomay hawshaasi.
 
Badhasabka Gabiley oo marka hore ka waramayay u jeedadda socdaalkoodda waxa uu yidhi   “Waxaanu u tagnay  oo socdaalkayagu la xidhiidhay arrimo nabad gelyo, ta ugu muhiimsanina waxay ahayd in aanu soo ogaanno sababta gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii guutada koofiyad casta gobolka Sanaag oo odayaashiisa laga sugayay in ay keenaan waxay u keeni waayeen.
Labadii  dhinacba waanu is-aragnay odayaasha  beesha uu ka soo jeeday gacan ku dhiigluhu in ay keenaan dhagar qabaha dilka geystay iyadoo aanay ujeedadu ahayn beeshaa dilka wada geysatay, hadana  odaashiisa ayaa hore u balan qaaday in ay keenayaan oo wakhti loo qabtay.  Markaa  markii ay keeni waayeen ee ay soo waayeen waxay noqotay arrintu in wefti  wasiirro, xildhibaanno, salaadiin iyo aniga ka koobani in aanu tagno Ceerigaabo.
Anagoo  ka hor tegayna in ay dhibaato kale dhacdo, ama uu aarsi ka yimaado dhinicii uu sarlaaku ka dhintay.  Markaa  arrimahaas ayaan u tagnay, tallaabadii ku haboonaydna dawladdu way ka qaadatay oo waxaa la xidh xidhay odayaashii  ehelka u ahaa gacan ku dhiiglaha dad kale oo lagu daba jiraana way jiraan, oo haddii ay wax ku cadaadaan iyagana la soo qaban doono.
Markaa  weftigayaga  badankiisii maanta (shalay) ayaanu ka soo baxnay Ceerigaabo waxaana nagaga hadhay oo arrimaha dhamaystirkooda aanu kaga nimid  Suldaan Rashiid.”
 
Guddoomiye Shiine oo aanu waydiinay sababta odayaasha loo xidhay iyo askarigii sarkaalka dilay   waxa ay dawladdu u raadin wayday waxa uu  ku jawaabay “Horta mid  waa arrin nabad gelyo oo ah in dhinaca marxuumku ka dhintay  in ay ku qancaan in lagu maqan yahay ninkii oo aan  laga hadhin soo qabashadiisa, si aanay dhankoodana aarsi uga iman oo haddii aan la qancin cidda gacantu ku dhacday oo magaalada la iska wada joogo, taasina nabad gelyada ayaabay halis ku tahay oo dawladda ayuu xil ka saaran yahay in  marka ay wax dhacaan ay nabadgelyada ilaaliso.
 
Ta  labaad dhaqan ayaynu leenahay illaa ingiriiskii soo jiray oo ah marka qofka wax dilay uu baxsado waxaa la soo xidhaa odayaashiisa iyo  Geelooda. Cuqaashuna dawladda ayay  nabad gelyada kala shaqeeyaan oo kaga lacag qaataan, markaa waajib ayay ku tahay in ay soo qabtaan ninkooda wax dila” ayuu yidhi badhasaabku.
 
 
Guddoomiyaha Gabiley waxa kale oo uu sheegay in ay arrintaasi u xidhan yihiin ilaa sagaal qof, oo isugu jira odayaal  ay isku  ehel yihiin gacan ku dhiiglaha.isagoo xusay in aanay xukuumadu ka hadhi doonin sidii loo soo qaban lahaa gacan dhiiglaha.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Imika illaa sagaal qof ayaa xidhan oo isugu jira odayaashii ehelka u ahaaa gacan ku dhiiglaha iyo dhalinyaro lagu eedeeyay in ay gacan ku lahaayeen dilkaa, waxaa kale oo jira dad kale oo lagu dabo jiro oo haddii ay ku cadaato in ay ku lug lahaayeen dilkaa la soo qabna doono.
 
Waxaanan  caddaynayaa in aanay Xukuumaddu ka hadhayn in ay gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiiglahaa iyo cid kasta oo falkaa lagu caddeeyo in ay ku lug lahayd, waxaana Hargeysa ka imanaya khuburo aqoon durugsan u leh dilalka oo baadhitaan ku samaynaya dilkaasi siduu u dhacay iyo in ay jiraan cid ku lug lahayd.”
 
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Waxaa la sheegay in uu ku dhuumaalaysanayo buurta Daalo oo uu galay godad halkaa ku yaalla, taasina waxay u baahan tahay in isha lagu hayo, waxaanan la kulanay wax garadka dadka deegaanka ee aanu  is leenahay marka uu gaajoodo ayuu u iman karaa oo aanu kala hadalnay in aanay qarin gacan ku dhiiglaha ee ay dawladda u soo gacan galiyaan, taana way noo balan qaadeen, dhinaca kalena hawl galkii ay ciidanku ku raadinayeen isna wuu socdaa oo  way ku guda jiraan ciidankuna. Guul ayaanay insha allah ku soo dhamaan doontaa oo gacan ku dhiiglahaa dilka xaqdarada ah geystay waa la soo qaban, sharcigana waa la marin.” ayuu yidhi guddoomiyaha   Gabiley.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply