Hargaysa (Dawan): Siyaasiga Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa ku baaqay in aan la buun-buunin gacan ka hadalkii dhawaan dhex maray guddoomiyaha golaha wakiiladda iyo xigeenkiisa koowaad.
Cismaan Hindi oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN waxa uu sheegay in baarlamaanada caalamka ay ka dhacaan murano iyo gacan qaad intaba isla markaana Somaliland ay ka mid tahay dalalkaas.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wax ka dhaxeeya oo ay isku yimaadeen ma jiro guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Ciro iyo guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax danta qaranka ayay iskugu yimaadeen waa wax aduun waynaha ka dhaca, in muran dhex maro baarlamaanka. Buunbuunintan waxa weyn laga dhigayo gacan qaadka dhex maray guddoomiyaha golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisa ee waxa weyn laga dhigayo ha la joojiyo.
Waa labo nin oo saaxiiba waxaana aan leeyahay ha la joojiyo shakhsi weerarka iyo beenta la abuurayo waxaana uu sheegaynaa cadawga Somaliland waxa ka dhacay golaha wakiiladda inay ahayd dimuqraadiyada ka jirta Somaliland”.
Dhinaca kale Cismaan Hindi ayaa soo dhaweeyay digreetadii madaxweyne Siilaanyo ku cayimay in 28 bisha March ee sanadka 2017 ay ku qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada. “Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa oo muddo ayaa laga sugayay madaxweynaha maalinta ay doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wkaiilada waxaana aan leeyahay mar hadii madaxweynuhu digreeto ku soo saaray maalinta ay doorashooyinku qabsoomayaan waa inay u diyaar garoobaan hay’adaha ay khusayso doorashooyinku”.
Dawannews Hargeysa office