Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa ka war bixiyay dhex dhexaadin ay ka wadaan isugana keenayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa koobaad Baashe Maxamed Faarax oo dagaal gacan ka hadal ahi ku dhex maray gadhigii golaha ee maalintii sabditii ee todobaadkan.
Guddoomiye Saleebaan waxaa kale oo uu intaa ku daray in aanay ahayn wax belaayo laga dhigo oo aad loo buun buuniyo halka uu tilmaamay in ay maalin kasta Baarlamaaannada caalamku is dilaan.
“Baarlamaankeenu maaha kii ugu horeeyay ee xurgufi dhax marto, dunida oo dhanba way ka dhacdaa. Wax aan laga gudbi karinna may dhicin meel fiicanna way noo maraysaa inshaa’allaa sida khayrka leh ayay u soo dhammaan. Labadaa masuulna waanu is aragnay. Haddii ALLE yidhaa waxaanu illaahay ka rejaynaynaa in ay xurguftaasi sida ugu fiican u soo afjaranto.”
Dhinaca kale guddoomiyaha golaha guurtida arrintan kaga hadlay fadhigii shalay ee golaha waxaa kale oo uu isla shalay si rasmi ah xeerka duulista hawada ugu wareejiyay guddi hoosaadka shuruucda iyo xuquuqul iinsaanka ee golaha guurtida. Ka dib markii ay shir guddoonka dib ugu soo celiyeen guddi isku dhaf ah oo goluhu dhawaan u saaray in ay dib u eegis ku soo sameeyaan. Golaha guurtida ayaa shalay galay fasax gaaban oo ku siman illaa Ciidda Carafo ,ciidda ka dibna dib u bilaabi doona fadhiyadooda shaqo.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Waan-waan Laga Dhex Wado Shirgudoonka Wakiiladda