Weftigii Imaaraadka Carabta Oo Sheegay Inay Somaliland Leedahay Deegaamo u Qalma In La Maal-gashado

0
315

Berbera(DAWAN):-Xukuumadda Somaliland,ayaa si balaadhan u sii sagootiday Weftigii   ka socday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta oo booqasho shaqo ku joogay dalka muddo laba maalmood ah.
Weftiga ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminayay Maxamed Kiti oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee qasriga Madaxtooyada dalka UAE.
Weftiga oo shalay ka dhoofay Madaarka caalamiga ah ee  magaalada Berbera,ayaa waxaa sii sagootiyay Safiirka Somaliland u jooga dalka Imaaraadka danjire .Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.
Intii aanay weftigu ka dhoofin garoonka  diyaaradaha ee Berbera,ayaa waxaa socdaalkooda iyo noqoshadoodaba ka war bixiyay  Safiir Baashe Cawil  oo sheegay in socdaalka Weftigu la xidhiidhay cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga   Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo  booqdeen  deegaano ka tirsan gobolada Saaxil iyo Maroodijeex kuna qanceen deegaaamada ay mareen in ay ku habboon yihiin maal-gashiga.
“Farxad weyn bay noo tahay in aanu halkan ku sagootino weftiga ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo booqasho laba maalmood ah ku joogay dalka Somaliland. Weftigu intii ay dalka joogeen waxay booqdeen gobollada Saaxil iyo Maroodi-jeex, waxaan halkan uga mahad celinayaa masuuliyiinta labada gobol oo si weyn weftiga u soo dhaweeyay intii ay dalka ku sugnaayeen. waxaa ay daraaseeyeen deegaanadii ay mashaariicdu ka socotay,”ayuu yidhi Safiir Baashe Cawil, waxaanu intaas ku daray.  Waxaa kale oo Isniintii  qado sharaf u samaysay Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo uu ku weheliyo Wasiir ku-xigeenka Arrmiha dibadda oo weftiga ku casuuntay buurta Gacan Libaax.waxaan jeclahay in aan halkan uga mahad naqo dadkii deegaanka ee aan u kala hadhin soo dhawaynta Weftiga innooga yimi dalka Imaaraadka Carabta ee  muxaafid iyo Mucaarid ba lahaa taasina waxay muujinaysaa isku duubnida iyo walaalnida dadka reer Somaliland markay noqoto arrimaha dalka wanaagiisa ah marka la wado, way jiraan mar kasta dad yar oo aanu wanaagu deeqin oo wixii la qabanayoba dacaayado ka faafiya laakiin inteenna wanaagsan ee qaranimda wada jecel ayaa ka badan.”
.
Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu waxa uu ka hadlay Madaxweynaha Somaliland uu xaflad casho sharaf ah u sameeyay weftigii Imaaraadfka ka socday.
.  “Waxaa weftiga ka socday Imaaraadka xalay (habeen hore) casho ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanay Weftigu Madaxweynaha u gudbiyeen farriin ay uga sideen Madaxda Imaaraadka. Socdaalkooduna noqon maayo kii ugu dambeeyay ee ay Somaliland ku yimaadaan inshaalaah wada shaqaynta wanagsan ee labada dalna halkaas ayay ka sii socon doontaa.”ayuu yidhi Safiirku.
Weftiga  dalka ka dhoofay ee ka socday Dalka UAE,ayaa balan qaaday in ay sii wadayaan dalkoodu taageerada uu siiyo Somaliland iyo wada shaqaynta labada dal.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply