Hargaysa (Dawan): Xildhibaan C/qaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiiladda ayaa sheegay in xeer hoosaadka golaha wakiiladda sabab u yahay gcan qaadkii dhex maray guddoomiyaha golaha wakiiladda iyo ku xigeenkiisa koowaad.
Xildhibaan Xaamud oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in khilaafaadka ku soo noqnoqday golaha wakiiladda uu bud-dhig u yahay xeer hoosaadka golaha oo ku tilmaamay inuu ka hor imanayo dastuurka dalka u yaala.
Xildhibaanku waxa kale oo uu soo jeediyay in aan la beelayn gacan qaadkii dhex maray guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Cirro iyo ku xigeenkiisa koowaad Baashe Faarax.
“Way jirtay xeer hoosaad hada ka hor golaha wakiilada la keenay oo dastuurka baal marsan, goluhuna gacan u taagay oo uu ansixiyay oo aan la isku raacsanayn. Xeer hoosaadkaas dhibaatada golaha ka abuuray, kaas ayuu ahaa waxaana la qaybiyay xeer hoosaadkii 2005 ee golihii hore ee wakiiladu sameeyeen kaas ayaana lagu dhaqmi doonaa dastuurkana aan ka hor imanaynin” ayuu yidhi xildhibaan xaamud.
Xildhibaan C/qaadir waxa uu ka hadlay gacan ka hadalkii dhawaan dhex maray gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad ee golaha Wakiiladda, waxaanu tilmaamay in aan loo baahnayn in la beeleeyo.
Waxaanu yidhi “Dadku inay ka garnaqaan maaha gacan ka hadalkii golaha ka dhacay. Shuruucda dalka u taala ayaa lagaga garnaqayaa dadkuna inay abuuraan xaalad aan jirin. Ma aha golaha wakiilada ayaanay arrintani u taalaa oo dhamaysanaya laakiin in xasaasiyad la abuuro oo qabiil ahaan loo hadlo oo dalka dib loo celiyo oo laga hadlo wax aan loo baahnan anigu ma qabo”.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office