Booliska Oo Soo Bandhigay Maandooriyaha Xashiishadda Oo Ay Qabteen

0
312

Hargeysa (Dawan):  Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo uu wehelinayay Taliye ku xigeenka Sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo saraakiil kale, ayaa sheegay in ciidanka Boolisku gacanta ku dhigay maandooriyaha xashiishadda oo lagu qabtay dad ka ganacsanayay.
 
Taliyaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu sharaxay xaddiga Maandooriyaha ay qabteen ciidanka Boolisku, isagoo ciidamadda ku amaanay sida wanaagsan ee ay mar kasta ug daba jiraan waxyaabaha aan bulshadda u wanaagsanayn.
 
“Waxa ay ciidanka saldhiga Koodbuur ay ku guulaysteen 72 duub oo xashiishad ah, nooceeda loo yaqaano Murjuwaana oo khatar ku ah diinteena iyo amnigeena. Waxaan amaan u soo jeedinayaa ciidanka Booliska, saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada, Aliflayada iyo dableyda.
Waxa lagu qabtay Gaadhi Nouha Ah oo lanbarkiisu yahay 49647 iyo laba Nin oo watay, labadii Ninba markii la qabtay ee ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen, waxa isla markiiba la horgeeyay Maxkamadda iyo xeerilaalinta gobolka Maroodijeex, isla markaana waxa laga qoray qiraal in falkaas ay gacanta kula jireen oo iyaga lagu qabtay.
Waxaan leeyahay waa guul ciidanka Boolisku gaadhay, waa guul shacbiga reer Somaliland waxa intaa leeg lagu bi’in lahaa ama lagu xumayn lahaa oo diintana dhibaato ku ah in ciidanka Booliski qabto mana aha wax joogsanaya, waa wax soconaya oo ciidanka Boolisku wadayaan”  Ayuu yidhi Taliyaha  Booliska.
 
Dhinaca kale taliye Fadal, waxa uu ka hadlay  dhalinyaradda kooxaysiga ka sameeya xaafadaha caasimadda, kuwaasi oo uu digniin u diray. Waxaanu yidhi “ Dhalinyarada had iyo jeer koox-kooxda isku dila, sidii hore ay hawlgalka uga galeen ciidanka Boolisku ayay haddana uga gelayaan. cid kasta oo lagu qabto hawlaha noocaas ah, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan oo waliba ciqaabtu ciqaabtii hore ka culus tahay lagu qaadi doono. Waxa iyaguna la mid ah tuugta oo ciidanka Boolisku kula jiro hawlgal la mid ah kaas mukhaadaraadka lagu qabtay”.
 
 
Sidoo  kale Taliyaha Boolisku waxa uu baaq u diray Gadiidka muraayadaha u isticmaala beersoosha, waxaanu yidhi “Waxa kale oo fursadan uga faa’idaysanayaa oo xasuusin iga ah, waa anigii hore halkan uga baahiyay bacda beersoosha ah markaa muddadiina wey socotaa, dadka qaar ka gooyayna waan arkay waana inay dadku ku sii xisaabtamaan.
 
Haddii ALLE idmo maalintii marka la gaadho ciidanka Boolisku hawlgalkii sidii aan hore halkan uga bayaamiyay wey galayaan, waxaanan shacbiga Somaliland halkan uga soo jeedinayaa inay Booliska la shaqeeyaan, annaguna waxaanu dhinacayaga u balan qaadaynaa Boolis ahaan inaanu dadka si wanaagsan ula shaqayno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply