Madaxweyne ku Xigeenka Oo Furay Shir Lagaga Hadlayo Maamul Daadejinta Magaalooyinka Dalka

0
285

Hargeysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka furay shir lagaga hadlayo   nidaamka maamul daadejinta dawladaha hoose ee dalka.
 
Shirkan lagaga hadlayay maamul daadejinta oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa ayaa  waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka,  wasiirrada wasaaradaha degaanka iyo horumarinta reer miyiga, wasiir ku xigeenka  qorsheynta qaranka, wasiir ku xigeenka  hawlaha guud iyo maayaradda magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley.
 
Cabdiraxmaan  Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay  masuuliyiintii  shirkaasi ka soo qaybgalay inay iska xil saaraan sidii maamul daadejinta loogu fidin lahaa goboladda iyo degmooyinka dalka.
 
Waxaanu  yidhi  “Dawlada dhexe iyo dawladaha hoose xil ayaa saran,  dawlada hoose haddii ay ka shaqayn jirtay cashuur ay ururiso iyo qashinka, waxaan idinku dardaaraynaa in xil la iska saaro cid walba wixii khuseeya inta wasiiradaha  khusaysana anaga laftayadu xil ayaanu iska saari doonaa,  oo culayska ka qaadno dawladaha hoose,  sidii  dawlaha  hoose loo dhaadhicin lahaa oo dalku dhismihiisa iyo horumarkiisa uga   muuqdo.
Markaa  waxa aan ku boorinayaa hayadaha  sare ee dawlada in ay xil gaara isa saaraan sidii hawshaasi adeegyada hoos loogu dhaadhicin lahaa”.
 
Sidoo kale waxaa iyadna halkaasi ka hadashay wasiirka degaanka iyo horumarinta  reer miyiga shugri baandare, waxaanay ka warantay mashruucani iyo muhiimadiisa.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply