Degmadda Axmed Dhagax Oo Laga Bilaabay Olole Cashuur Ururin Ah Iyo Baaqa Maamulka Degmadda

0
289

Hargaysa (Dawan): Hawl-gal cashuur ururin ah ayaa laga fuliyay xaafadaha kala duwan ee degmadda Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa, waxaana maamulka degmaddu dadweynaha ugu baaqay inay xil iyo masuuliyad iska saaraan bixinta cashuuraha kala duwan ee ku waajibay.
 
Hawlgalkan oo uu Hoggaaminayay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee degmadda Axmed Dhagax, ahna Ku simaha Guddoomiyaha Axmed Maxamed Faarax iyo masuuliyiinta kale ee degmaddu, waxay sheegeen inay calaamado kala duwan ku sameeyeen guryaha iyo goobaha kale ee bixiyay cashuurtii halka kuwa aan bixinna lagu dhigay calaamad lagu garanayo.
 
Waxaana hawlgalkan lagu bilaabay xaafadaha Masalaha iyo half London ee degmadda Axmed Dhagax,  “Waxaanu olole cashuur ururin ah ka bilaabnay guud ahaan degmadan Axmed dhagax xaafadaha ay ka kooban tahay,  gaar ahaan xaafadda Half Londan iyo Masalaha taas oo aanu calaamad ku sameenaynay guriga aan bixin cashuurta, kii bixiyeyna aanu saxaynay annagoo hawshaas uga dan leh inaanu kala ogaano guryaha cashuur bixiyaasha ah iyo kuwa aan cashuur bixiyaasha ahayn. Haddaba cashuur bixiyaasha waxaanu ugu hambalyaynayaa sida fiican ay cashuurta u bixiyaan,  kuwa cashuur diidka ahna ee aanu saarnay calaamada, waxaanu faraynaa in laba cisho gudahood ay ku soo bixiyaan cashuurta maadaama sannadku uu yahay gabo-gabo,”Ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ahna Ku simaha Guddoomiyaha degmadda Axmed Dhagax, Mr. Axmed Maxamed Faarax oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta.
 
Guddoomiye Ku xigeenku waxa kale oo uu dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee ku yaalla degmadda Axmed Dhagax ugu baaqay inay iska soo bixiyaan cashuurta ardiyadda ee ku waajibtay, waxaanu yidhi   “Waxaan farriin u dirayaa  dugsiyadda gaarka loo leeyahay  ee degmadda ku yaalla  oo aanu u geynay qoraalo ka socda degmada iyo maxkamadda inay soo bixiyaan cashuurta waajibka ku ah haddii ay ku soo bixin waayaana mudadaa toddobada cishana in aanu ka qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, haddaba masuul waxaanu kaa codsanaynaa inaad soo bixisaan  cashuurta ardyada iyo cashuurta dugsiyada gaarka loo leeyahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply