Assad ayaa sheegay in dalalka reer-galbeedku ay taageereen argagixisada tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socda dalka Siiriya, kaasoo ku billowday bannaan-bax nabaddoon oo dalkaasi ka dhacay bishii March ee sanadkii 2011-kii, kaddibna ay saraakiisha dowladdu gacan bir ah kula dhaqmeen dadkii sameeyey dibad-baxa.
Madaxweyne Assad oo la hadlayey warbaahinta dalka Ruushka ayaa diiday in dowladdiisu ay mas’uul ka tahay sababta keentay in qaxooti badan oo Siiriyaan ah ay ku sii qulqulaan qaaradda Yurub.