Marin u Furmey Qaxootiga ku Qulqulaya Yurub

0
351

Dowladda Kroatia ayaa sheegtay inay u ogolaan doonto qaxootiga inay ka gudbaan dhulkooda oo ay tagaan waqooyiga Yurub oo ah meesha ay rabaan inay tagaan.
Hungary ayaa hadda ka wada xirtay xuduuddeedii dadka sharci darada ku soo galaya, Croatia ayaa noqotay jid cusub iyadoo looga sii gudbaayo Slovania iyo Austria.
Ra’iisalwaasaaraha Zoran Milanovic, ayaa sheegay in darbi silig ah uusan ahayn xalka dhibaatooyinka qaxootiga, waddankiisana wuu caawin doonaa qaxootiga sii socda.
Dowladda ayaa sheegtay in dhowr boqol ay soo galeen waddanka hadda.
 

Leave a Reply