Khubaro Australian Ah Oo Helay Lafaha Denosoor Ay Sheegeen Inay Dad Cun Ahayd

0
330

Khubarada cilmiga dhulka ee dalkaasi Australia ayaa sheegay inay heleen lafaha dinasour inta badan ku noolayd hilibka dadka,taas oo waqtigaasi caan ka ahayd dhulkaasi dad badana ku laysay. Khubaradan ayaa sheegay in Dinosaur-tan la odhan jiray Diluaa,taas oo ay heleen lugeheedii iyo sidoo kalena laf dhabarteedii oo dherer ahaan gaadhaysa ilaa 25 Centimeters.
Khubaradan oo ka koobnaa cilmibaadheyaal badan ayaa sheegay in inta badan ay shidaal noqdeen hadaagii Dinosaur-ta dalkaasi ku noolaan jirtay.
Hogaamiyaha kooxdan oo lagu magcaabo Phil Bell ayaa sheegay inay si deg dega u fahmeen lafaha xayawaankaasi kadib markii ay geeyeen meel lab ah oo ay ku baadheen,waxaanu intaas raaciyey in aanay weli ogaan nooca ay ahayd ,madaama oo ay ka duwan tahay lafo ahaan Dinosaur-rada kale ee hore loo baadhay kuna noolaa wadanka Australia.
Khabiirkan ayaa sheegay in laga yaabo in tani markii hore ay ka timid qaarada Latin America ,gaar ahaana koonfurta America,waxaanu sheegay inay qaab ahaan u dhowdahay nooca qoyska loo yaqaano Megaraptorid oo ah qayb Dinosaur-ta kamid ah,iyada oo ay kooban tahay dinosaur-ta sannadkan la helay oo gaadhaaya ilaa 17 midh.
Guud ahaan dhererkeeda marka laysu geeyo ayay khubaradani ku sheegeen inay gaadhayso ilaa 6.7 meters,taas oo ay aaminsan yihiin inay tahay tii ugu dheerayd ee ay abid helaan intii ay baadhitaanada wadeen ama samaynayeen ,waxaanay sheegeen in ay ku noolayd caalamka muddo laga joogo 110 million sanno ka hor.
Khubaradan ayaa sheegay in aanay keliya la yaabin dhererka xayawaankan ee ay sidoo kalena la yaabeen dhirta ay ku dhex dhimatay oo aan ka dulbixin ee hareeraha ka maray ,waxaanay khubaradani sheegeen in aanay cid hore helin xayawaankan oo kale,waxanay sheegeen inay rumaysan yihiin in xayawaankani kasoo tafsiirmay qaarada Afrika.
 

Leave a Reply